Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Loolanka Xisbiga Kulmiye Ee Wasiir Maxamed Kaahin Iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Oo Baraha Bulshada Qabsaday

Loolanka salka ku haya guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ee u dhexeeya Wasiirka arrimahah gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa qabsaday baraha bulshada.

Loolankan oo aan si rasmi ah weli banaanka ugu soo bixin, ayaa waxa uu ku saabsanyahay ninka noqon doona guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, marka uu Madaxweyne Biixi wareejiyo, waxaana baraha bulshada gaar ahaan facebook qabsaday dhallinyaro kala taabacsan labadan siyaasi ee isku beesha ka soo jeeda.

Dhallinyarada taageersan siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa baraha bulshada soo dhigay hadalo koob-kooban oo ku jiray khudbado uu hore u jeediyay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, iyagoo raaciyay sawiradiisa oo kala duwan iyo qoraalo ay ku sheegayaan in Maxamuud Xaashi lagu wareejin doono guddoomiyenimada xisbiga.

Dhallinyaro kale oo taageersan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa iyaguna bilaabay inay u jawaabaan taageerayaasha Maxamuud Xaashi, waxaana baraha bulshada mar keliya qabsaday sawir ay ka muuqdaan Madaxweyne Biixi oo kursi ku fadhiya oo ay wada hadlayaan Wasiir Maxamed Kaahin oo dul taagan. Taageerayaashan ayaa ku doodaya in Madaxweyne kursiga KULMIYE ku wareejin doono saaxiibkii Wasiir Maxamed Kaahin.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dhallinyaradan ay soo  kiciyeen bidhaano uga yimid labadan siyaasi oo muujinaya inay soo dhowdahay wakhtiga uu Madaxweyne Biixi wareejinayo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xalay cawayskii barta uu ku leeyahay Facebook, wuxuu ku baahiyay qoraal ku qoran luuqadda Carabiga oo uu ugu mahadceliyay dhallinyarada taageersan, waxaanu yidhi “Caways wanaagsan dhammaan dhallinyarada u heelan dalkeena Somaliland, gaar ahaan kuwa baraha bulshada ee ii muujiyay kalsooni iyo niyad wanaag.”

Wasiir Maxamed Kaahin, isagaba lagama hayo wax jawaab ama falcelin ah oo la xidhiidha ololaha ka socda baraha bulshada ee u dhexeeya isaga iyo Maxamuud Xaashi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com