Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Kaahin Oo U Jawaabay Hoggaamiye Xirsi iyo xirsi oo weeraray ciidanka qaranka

Wasiir Kaahin Oo U Jawaabay Hoggaamiye Xirsi
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka jawaabay hadalka Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku saabsan in ay xilalka sare ee dalka wada hayaan Militari sida Madaxweynaha, wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha booliska iyo xilal kale.

Xirsi ayaa taliyaha cusub ee booliska Somaliland ku boorrinayay in uu dabacsanaan muujiyo maaddaama oo uu Militari ahaa, islamarkaana fahmo habdhaqanka booliska ee la macaamilka shacabka.

Wasiir Maxamed Kaahin oo hadalkaasi ka jawaabayay ayaa ku faanay in ay dalka u soo dagaallameen, islamarkaana uu dulqaadkooda muujinayo in aanay wali cid Facebook wax kaga sheegtay maxkamad soo taagin.


Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com