Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Guurtida Oo Degmooyinka Baligubadle, Caynabo iyo Taleex Darajadooda Kor U Soo Qaaday

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka oo wax ka  bedel iyo kaabis ku sameeyey ka dib markii golaha Wakiiladu usoo gudbiyeen.

Golaha Guurtida ayaa wax ka bedelkii uu golaha Wakiiladu ku soo sameeyey xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka kuwaas oo kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyey.

Golaha Guurtidu waxay xeerkan wax ka bedel kaga sameeyeen 16 qodob, waxaana ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee wax laga bedelay kuwan hoos ku qoran:

Golaha Guurtidu waxay wax ka bedel ku sameeyeen darajooyinka degmooyinkii darajadda C-da ahaan jirey oo ay u dalacsiiyeen darajooyinka B, kuwaas oo kala ah degmadda Caynaba, Taleex iyo Balligubadle,si ay ula jaanqaadan gobolada cusub ee degmooyinkoodda ahaa darajooyinka B .

Waxa kale oo ay wax ka bedel ku sameeyeen tiradii lagu ridi jirey gudoomiyeyaasha degmooyinka golaha deegaamadda oo awal ahaan jirey hal dheeri, waxa hadda laga dhigay saddex meelood laba ka qaadi karta xilka gudoomiyeyaasha degmooyinka ama maayiradda dalka waxaana lala meeqaam dhigay goleyaasha Baarlamaanka oo kale.

Qodobada kale ee wax laga bedelay waxa ka mid ah marka uu muddo xileedka goleayasah deegaanku dhamaado may jirin cid u kordhin karaysay, waxaase lagu soo daray qodob tilmaamaya in golaha Guurtiddu muddo xileedkooda u kordhin karto sida goleyaasha kale u kordhiso oo kale

Sidoo kale waxa wax ka bedel ku sameeyeen in xildhibaanka golaha deegaanku xasaanad leeyahay halka golaha Wakiiladu xeerka ku soo dareen in xildhibaanada goleyaasha deegaanka aanu xasaanad lahayn marka laga reebo maayarka iyo ku xigeenka mooyee.

Mudooyinkii u dambeeyey xeerar badan oo ay soo ansixiyeen golaha Wakiilada waxa dib u celiyey golaha Guurtida, halka qaarkood wax ku bedel ku sameeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com