Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wargeyska The East African Oo Wax Ka Qoray Doorashada Baarlamaanka Somaliland Ee Dib U Dhacday

Wargeyska The East African oo ka soo baxa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shalay oo axad ahayd warbixin ka qoray dib u dhaca doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland, waxaanay sheegeen in doorashada Baarlamaanka Somaliland muddo dhaaf tahay muddo 14 sannadood ah.

Wargeyska The East African wuxuu sheegay in doorashada Baarlamaanka dib loo dhigay ilaa 2022ka, iyadoo doorashadii ugu dambeysay ee Baarlamaanku Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2005tii. Waxa kaloo wargeysku tilmaamay in Somaliland ay si joogto ah u qabato doorashada Madaxtooyada,waxaanu iftiimiyey in khilaafka ka dhashay Komishanka cusub ee doorashooyinku uu sababay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland.

Wargeysku wuxuu xusay in xukuumadda Somaliland ay sheegtay in mucaaridku muran geliyeen xubno ka mid ah Guddida Doorashooyinka Somaliland, halka xisbiga Waddani uu xukuumadda ku eedeeyey inay xubin Komishanka ah u soo magacaabeen nin taageera xisbul-xaakimka.

Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa warsidaha The East African u sheegay in Madaxweyneyaasha Somaliland la soo doorto oo ay leedahay laamihii dawladnimo ee kala duwanaa, halka Madaxtooyada Soomaliya aanay xukumin dhul gaadhaya 10km oo ka baxsan Magaalada Muqdisho.

Waxa kaloo danjire Baashe Cawil sheegay in caalamku ku daalay isla markaana guul ka gaadhi waayey nabad ku soo celinta Soomaaliya.

Wargeyska The East African wuxuu sheegay inay Somaliland tahay dal xasiloon oo tusaale u noqon kara geeska Afrika oo dhan

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com