Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

WASIIRO XUKUUMADU UDIRTAY XAL UHELIDA KHILAAFKA KA TAAGAN MAGAALADA WAJAALE OO KU GABAL DHACSADAY SHIRAR AY LAYEESHEEN MAAMULKA IYO XOGAHA KASOO BAXAYA!

Xukuumada Madaxwayne Biixi Ayaa Gudi Wasiiro ah UDdirtay Xogogaal unoqoshada Muranka culus ee ka Taagan Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale kaasi oo sobobay in xabsiga loo taxaabo xubno kamid Gudida ganacstada magaalada iyo dhalinyaro.

Wasiirada hawlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Isgaadhsiinta jsl Dr cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo ah xubnaha loo xil saaray xal uhelida khilaafka taagan magaalada wajaale ayaa saaka kulankoodii uhoreeyay la yeeshay badhasaabka gobolka gabiley.

Sidoo kale Wasiirada ayaa shir Mudo dheer qaatay la yeeshay Maamulka Degmada Tog wajaale iyo xubno kamid Ah ganacstada iyo bulshad qaybaheeda kale kaasi oo qaatay mudo dheer islamarkaana laysku gabal dhacsaday, wallow wasiirada xukuumada ka socday ay diideen in ay warbaahinta la lahadlaan iyagoo ka cudur Daartay warbaahinta oo mudo dheer sugaysay natiijada kasoo baxda shirkan iyo qodobada lagu lagu xaliyay muranka ka dhashay dhulka xabaalaha magaalada wajaale oo wasaarada gaadiidku shaacisay in ay ka dhisanayso goob gaadiidka rarka ah lagu kala wareejiyo .wallow wasaarada hawlaha guud oo xukuumada uqaabilsan arimaha dhulku aanay waxba kala socon qorshahaasi.

Xogaha shabakada wararka ee  wajaalenews ka helayo xubno kaagdhawaa shirkan ayaa sheegay in xukuumadu dib iskugu noqonayso waxa laga yeelayo dhulka xabaalaha.

Sidoo kale wararka laga helayo shirkan wasiirada iyo maamulka gobolka iyo ka degmada wajaale ayaa intaa ku daray in lagu go,aamiyay sidii loosoo dayn lahaa xubnihii ganacsatada ahaa Ee lagu xidh xidhay kacdoonadii ka dhashay dhulka xabaalaha kuwaasi oo lafilayo caawa ilaa bari  in lasoo dayn doono,

Halka xogaha qaar tibaaxeen in xubno kamid gudida ganacstada ee xidhan uu shuruud ku xidhay badhasaabku soo dayntooda,

Dhanka kale wasiirada xukuumada ka socday ayaa sheegay in ay  soo afjareen khilaafkii udhexeeyay badhasaabka gobolka gabiley Iyo iskuduwaha wasaarada hawlaha guud iyo guryayta iyadoo wasiirada ay sheegeen in go,aanka laga gaadhayo dhulka xabaalaha ay dib kasoo sheegi doonaan islamarkaana laba cisho kadib gudi ahaan ay kusoo noqon doonaan degmada wajaale.

Majiro war rasmi oo kasoo baxay wasiirada xukuumada ka socday maamulka gobolka iyo ka degmada tog wajaale

Kala soco wajaalenews wixii faah faahin ee kasoo baxa kulanka wasiirada iyo maamulka wajaale iyo xal uhelida khilaafka ka taagan magaalada wajaale uu uu sobobay dhulka xabaaluhu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com