Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MAXAA INAGALA GUDBOON BULSHADEENAN DHALAAN HABAABISTA LAGA DAAWAD SIINAYO MUQDISHO (QALINKII)Garyaqaan. Ahmed Ismail Mire

Waxaa Wakhtiyadan Dambe inagu Soo Badanaya Muwaadiniinta reer Somaliland ee ay Balaga u Lulayso Xukuumada Somalia, kuwaas oo la Tusayo Mushaharooyin Sare iyo Mansabyo Siyaasadeed, Dabadeedna loo Soo Dhiibayo fikrado Qaldan oo ay ku Marin Habaabinayaan Bulshada Reer Somaliland ee kale. Waxaana Caado Noqotay in Muwaadin reer Somaliland ahi intuu Tago Somalia oo uu Yidhaahdo waxaan ka tanaasulay Gooni u Goosadkii Somaliland, Dabadeedna uu Hadalkaa Mansab kaga raadsado Maamulada Somalia, Marka Mansabkaa Laga Qaadana uu Si Yar oo Fudud Somaliland uga soo Codsado in la Cafiyo, oo inta Cafis loo fidiyo uu Bulshada ku Soo Noqdo, si Fududna uu Mar labaad ugu soo Biirayo Saaxada Siyaasada Somaliland, Isaga oo Waliba Muujinaya Hantidii uu Somalia Kasoo Shaqaystay, taasina waa ta kaliftay in Dhalinyar farabadan u Hanqal taagaan Tagista Xamar. Waxaan Hoosta ku Xusi Doonaa Xeerarka Dalka ee Hada lagu Dabaqo Dadka Dambiyadan Gala Balse ay waxba kama Jiraan ka Dhigeen, Codsiyada Cafiska ah ee odayaasha Dambiiluhu ay Dabada ka Wadaan, Cafis kaasoo ayna Jirin wax Xadidayaa (Limitations), Marka loo Fidiyana Dambiiluhu La Mid Noqonayo Sida Dadka Caadiga ahaa ee ku Samray Dalka. Balse Marka Hore aynu Ku Horayno Xukuumada Somaliland ee Talada haysa oo loo igmaday ilaalinta Qarankan Masuuliyada kowadna ka Saaran tahay, looga baahan yahay inay Qaado Talaabooyin ay ku Xakamaynayso Bulshadeedan weerarka lagu Soo Qaaday, oo Hadii ay sidan ku sii socoto Qaranimada ku keeni Doonta Cawaaqib aan Wanaagsanayn. Waxaan Qoraalkan ku Soo Bandhigayaa Talooyin Kooban aan aamin sanahay inay Dabar u noqonayaan kuwa inaga Midka ah ee Laacaa Beenta ah ku Hodmaya kadibna inaga Fidmaynaya Bulshada ķale. • In La Sameeyo Xeerar Baarlamaan (parliamentary acts) kuwaas oo Dadka Dambiyadan ku Dhaca 1. Xadidaya Dambi Dhaafka loo Fidin karo. 2. Ganaaxyo Maaliyadeed oo Culusna Dulsaaraya. 3. Hadiiba loo Fidiyo Dambi Dhaafna ka Mamnuucaya Inuu Dib Dambe Mansab Ama Xil uga Qabto Somaliland. 4. Sidoo Kale Qasbaya in Damaanad Adag laga Saxeexo Odayaashiisa iyo inaanu Dib ugu Noqonayn Dambigaa. • In la Sameeyo Siyaasado (Politics) cad, oo lagu waajahayo Baaqaa ay Somalia u Baaqayso Bulshada iyo Dhalinyarta Somaliland, 1. Waa inaan Sida imika Jirta loo Sii yaraysan Khatartan, Muhiimad Gaarana la Siiyo 2. Waa in la Sameeyo Daraasado iyo Cilmi Baadhiso lagu Baadhayo Heerka ay Gaadhsiisan tahay Khatartani iyo Qaababka lagu waajihi karo. 3. Waa in wacyi Galin Balaadhan laga sameeyo 4. Waa in Kor loo Qaado Heerka Rajada iyo kalsoonida Ay Shacabku ku Qabaan Qaranka oo hoos u Dhacday. XEERARKA U YAAL DADKA KU KACA DAMBIYADAA AYNU KOR KU SOO SHEEGNAY Waxaa imika lagu Dabaqaa Dadka Dambiyadan Gala, XEERKA MAMNUUCAYA KA QAYBGELKA SHIRARKA SOMALIA 2003 & WAX KA BEDELKIISI 2012 (Law Prohibiting Participation in Somalian Meetings 2003 Update: Amended by a Joint Resolution of the House on 5 February 2012), oo ah Xeerar Baarlamaan oo ay oo Fadhi wada Jir ah ku ansixiyeen labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiilada. Fiiro Gaara (Xeerkani Toos ugama Hadlayo Dadka Mansabyada Doonta Marka laga reebo Qod 4aad oo si Maldahan uga Hadlaya) Waxaa Sidoo Kale Loo Adeegsadaa Xeerka Ciqaabta Guud XCG (1962) (oo ku dhaqankiisa uu ogolyahay Qod. 130(5) ee Distoorka Qaranka) Qodobadiisa ay ka midka Yihiin • Qod. 212 (falalka ka soo horjeedka Qaranka ee uu ku kaco muwaadin dibedda joogaa oo ciqaabtoodu tahay xadhig aan ka yareen 5 sanno); • Qod. 217 (isku dayidda wax ka bedelka aan nidaamka distooriga ah ee sharci ahayn oo ciqaabtiiso ay tahay xabsi daa’im ah) iyo • Qod 184 (waxyaalaha ku lid ah madaxbanaanida ama miidnimada Qaranka Somaliland – Khiyamo Qaran oo ciqaabtiiso dil noqon karto). • Ku guugaabista dembiyadan waxaa loo cuskanayaa Qodobada 230 ama 231 ee XCG kolba kii ku haboon. • Ciddii si caam ah oo dadku ogaan karaan u amaanta ama guubaabisa denbiyadaas, Qod. 231 ee CCG wuxu cayimayaa ciqaab ah 3 ilaa 12 sanadood oo xadhig ah. (Waxaa Xusid Mudan in sidaynu kor ku soo Sheegnay, ay Shuruucdan waxba kama Jiraan ka Dhigtay Cafis Madaxweyne oo Ay Odayaal iyo Siyaasiyiin Dabada ka Wadaan kuna Dirqiyayaan Xukuumada Xilka Haysa) Allaa Mahad Leh Wx Qoray: Garyaqaan. Ahmed Ismail Mire

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com