Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Hogaamintii Loo Doortay” Boqor Buur Madoow


Dubai (MSL) –  Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madoow) ayaa sheegay in dhaqdhaaqa ay wadaan madax dhaqameedka Beelaha Soomaaliland ay keentay ka dib markii ay xukuumaddu ku fashilantay hogaamintii dalka.

Waxa uu eedaymo culus ujeediyay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi 

“Madax dhaqameedku Waa Kuwa Ilaaliya Siyaasiyiinta, kuwo damac leh maaha, kuwo dalkooda dilaala maaha, kuwo iibiya maaha horta taas intaas baan ka leeyahay.

Arrinkayagu maanta waxa uu daaran yahay hadaba aan kuu sheego, xukuumadii la doortay ee Muuse Biixi waxa ay ku fashilantay in ay Xisbiyadii la heshiiso, in ay Komishankii (Komishanka Doorashooyinka) ay dhisto oo ay dalka doorasho gaadhsiiso.

Xildhibaanadeenii goleyaasha wakiiladda iyo deegaanku 16 sano ayay galayaan, fashil baa taagan, madaxweynehanina waa Madaxweynihii u horeeyay ee ku fashilmay in uu Komishan ansixiyo oo Uu Xisbiyadda La tashado oo u tanaasulo, mar walbana Soomaaliland waxa ahayd Tanaasul.

Markaa waxa aad arkaysaa in sidii waxaro Mareegta isku martay ay mar walba xisbiyadda Mucaaradku iyagu tanaasulayaan oo aanay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu marnaba Tanaasulayn” ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madoow).

Waxa uu intaasi ku daray in ay Soomaaliland ka jiraan laba komishan Doorasho oo aan la kala garanayn midka hogaaminta leh “Ayaan darrada maanta jirtaa waxa weeye waxa inoo yaala laba Komishan oo aan la garanayn midka wax hogaaminaya, labadii gole iyo xukuumadda oo jiq isku ah, Madaxweynihii oo wada hadalkii kelidii ku ah oo waliba inta uu beesha caalamka wax la soo galay oo Farmaajo (Madaxweynaha Soomaaliya) wax la soo galay la yimid wada hadal mugdi ku jiro” ayuu yidhi boqor Cismaan mar uu u waramayay telefishanka HCTV.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com