Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nin sameeyay balaayiin doolar xilli Dunida la daladhacayso dhibaatada Xanuunka Coronavirus

Madaxa iyo aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos ayaa faa’ido gaareysa 24 bilyan doolar sameeyay xilliga lagu gudo jiro dhibaatooyinka ka dhashay cudurka coronavirus kaddib markii ay sare u kaceen dukaameysiga iyo dalabka Online-ka ay bixiso shirkaddiisa.

Jeff Bezos wuxuu leeyahay hanti gaareysa 138 bilyan oo doolar, sida laga soo xigtay wargeyska Bloomberg, waxaana lagu tiriyaa inuu yahay ninka ugu taajirsan dunida.

Shirkadda Amazon waxay ka faa’ideysatay dalabyada Internetka iyo dadka qaabka online-ka ah ku adeegto xilli dadka lagu qasbay inay guryahooda joogaan si looga hortaggo faafitaanka cudurka Covid-19.

Shirkadda Amazom waxay shaqaaleysiinaysaa kumanaan qof si ay u maareyso dalabyada macaamiisha.

Shirkadda waxaa lagu dhaleeceeyay arrinta ah inay ka gaabisay dadaallada ah in shaqaalaheeda ay ka fekerto marka ay timaaddo ka hortaggo coronavirus.

Jeff Bezos wuxuu bilaabay shirkadda Amazon sannadkii 1995-tii, wuxuu ku bilaabay 100,000 oo doolar oo ay isku darsadeen isaga iyo qoyskiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com