Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

SIYAASI CALI GURAY OO SHEEGAY IN GO,AANKII XUKUUMADU MADAXWAYNE BIIXI KU JOOJISAY QAADKU UU AHAA DABIN LOO QOOLAY IYO XADIGA KHASAARAHA AY KALA KULANTAY

“Xumuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Allaylehe Jar Baa Loo Degay, Waana Lala Helay Oo Dabin Loo Qoolay Ayay Lugaha Dalaq Siisay”Siyaasi Cali Guray.

TOLOW YAA U SHEEGA?

Amma ha Garato Ama yaanay garan eh Xumuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Allaylehe jar baa loo degay waana lala helay oo dabin loo qoolay ayay lugaha dalaq siisay.

Marka hore may jirin ilaa haddana ma jirto khatar la xidhiidha faafista COVID-19 oo Somaliland ka jirta. Hadii ay jiri lahayd lafteeda khubarada iyo dhakhaatiirta dunida ma jiro cid keliya oo xaqiijisay in caleenta geedaha kala duwani, dhamaantood ama kuwo gaar ahi ay qayb ka yihiin faafista COVID-19. Waxa jira Dr Gaboose oo aan daliil cilmi u hayn marka laga tago dhinaca isu keenidda bulshada isticmaasha jaadka, taasoo aanu wax micno ah u samaynin go’aankii joojinta jaadku marka aynu si run ah u qiimayno todobaadkan uu go’aanku dhaqangalka ahaa, oo sida la ogyahay maalin kasta si kootarbaan ah oo cashuur la’aan ah ku soo gelayay dalka, iyadoo waliba hawlgal balaadhan oo kharash badan xuumaddu ku buxinaysay ay ciidamada ka hortagga jaadku ka wadeen gudaha iyo xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Hadaba ma tahay in xukuumaddu ay dib u qiimayso waxtar iyo waxyeelo ka go’aankeeda joojinta jaadku ilaa hadda uu Somaliland u yeeshay.

Marka aad eegto wadamada ugu badan ee jaadka laga isticmaalo sida; Itoobiya, Jabuuti, Yaman, Kenya iyo Somaliland/Somalia keliya go’aankan waxa qaatay Somaliland iyo Somalia oo aad u kala duwan laftoodu marka ay tahay isticmaalka jaadka. Dhinaca Somalia isticmaalka jaadka wuxu gaadhay mar dambe reer waqooyiga ayaana gaadhsiiyay ee muu jirin intii ka horeysay midnimadii 1960 muddo ayaanay qaadatay in qaadka Kenya laga isticmaalo Somaliya dadka ka ganacsan jirayna dhamaantood waxay ahaan jireen reer Woqooyi. Hadaba waddamada aan iyagu joojin isticmaalka jaadka lama sheegan dhibaato gaar ah uu u yeeshay Somalilandna lama sheegi karo haba yaraato eh waxtar gaar ah uu u yeeshay go’aanka joojinta jaadku, balse waxa jira dhibaatooyin badan oo loo nisbayn karo go’aankan aan runtii laga fiirsanin. Waxa ka mid ah:

Kow iyadoo Xukuumaddu aanay ilaa hadda ku guulsan kuna guulaysan karin in jaadka ay ka joojin karto dalka. Taas oo ah dantii ay ka lahayd inay ku fashilantay.

Laba hawlgalka balaadhan ee ciidanka oo kharash badan oo maalinle ah ku jooga xukuumadda.

Sadex dakhli badan oo ka soo geli jirtay cashuurta jaadka oo ay lumisay xukuumaddu taasina ay ku keeni hoos u dhac wayn kutalogalkii dakhliga ee miisaaniyadda sanadkan, iyadoo dhibaatooyin kale oo dhaqaale uu dunida oo dhan ku keenay COVID-19, Somalilandna ay dabcan si wayn u saamaysay.

Afar dad badan oo sabool ah oo iyaga Jaadku u ahaa isha keliya ee ay ku dabooli jireen nolol maalmeedkooda oo iyaguna mar keliya faro madhan isa soo taagay.

Hadaba marka ay intaas oo dhami jirto maxay kaga jawaabaysaa xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi in go’aankeeda joojinta jaadku uu ahaa mid ay ugu danaynaysay dadka Somaliland? Waxan filayaa in aanay jirin jawaab lagu qanci jaro oo ay u haysaa.

Hore waxan anigu go’aankan ugu sheegay laab la kac iyo waali-duul aan laga fiirsanin. Anigu marka hore umaan arkay haddana uma arko in looga jeeday ka hortagga COVID-19 ama uu wax ka tarayo balse waxan qabaa COVID-19 in ay isticmaaleen dad gaar ah oo iyagu dano gaar ah ka lahaa joojinta jaadka balse aan garaahadii iyo taladeedii midna haynin xataa hadii danba tahay joojinta jaadku, waayo maaha dad qiimayn kara xaaladda iyo duruufaha ku xeeran arintan.Waxad moodaa dhawaaqii Dr Gaboose ee Hargeysa iyo kii Sheekh Cali ee Burco in Madaxwayne Muuse uu toos u qaatay balse fashilaadda Gaboose iyo Sheekha midba wax ku yeelan maayo ee masuuliyadda waxa iska leh Madaxwayne Muuse Biixi oo intii lahayd ka joog maaha go’aan shaqaynaya eh, oo aniga iyo inta badan dadka u nasteexa ahaydba ay ka mid ahaayeen aan dhawaaqyadoodii iyo taladoodii dheg jalaq u siinin, sabab kasta ha ka ahaato ama dano kale oo gaar ahba ha ka lahaado eh.

Hadda inta aanu hawlgalkani sababin khasaare nafeed waynu ladan nahay ee tollow ma jirtaa cid uun uu Madaxwaynuhu talo nasteex ah ka qaadan karaa mise maba kala yaqaan nacabkiisa iyo nasteexiisa. Hadii ay sidaa tahay daaya ha ku socdo danba natiijada wuu u gaadhi waayo maalin kasta oo go’aankani uu sii socda khasaare mooyee wax faaiido ah keeni maayo eh.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com