Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Oo Dib Ula Wareegtay Hotelkii Hargeysa Club

Xukuumadda Somaliland ayaa la wareegtay Hotelka Hargeysa Club oo laba mu’waadin hore maalgashi ugu sameeyeen kadib markii xukuumaddu muddo 30 sannadood ka kiraysay.

Tababaraha caanka ah ee Jaamac Karaaciin, iyo Suldaan Siciid Yuusuf Du’caale, ayaa ahaa labada qof ee Hotelka dhisayay.

Dhismaha Huteelkii Hargeysa Club Oo Mar Kale Xukuumaddu Joojisay ...

Hotelkan oo hadda dhammaad ku dhawaa ayaa xalay la geeyay ciidamo Boolis ahQoraal wasaaradda Hawlaha guud qortay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu rasmi ahaan uga laabatay heshiiska hore loogu kireeyay Hotelka.

Weli ma cadda sababta xukuumaddu xilligan heshiiska uga laabatay iyadoo Suldaan Siciid iyo wefdi xukuumadda Somaliland ka tirsani hawlo nabadayn ay u joogaan gobolka Sanaag.

Dawladdii Daahir Riyaale, ayaa heshiiska gashay iyadoo xukuumadda hadda ee madaxweyne Biixi-na sii cusboonaysiisay muddo 30 sannadood ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com