Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

CIIDANKA BOOLIISKA OO GACANTA KUSOO DHIGAY GAADIID DAWLADDU LEEDAHAY OO QAAD SI QORSOODI AH USOO GALINAYA MAGAALADA HARGEYSA.

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa habeenadii udanbeeyay  gacanta ku soo dhigay Gaadiid masuuliyiinta xukuumadu leeyihiin kuna xidhay yahay Lambarkii Dawladda ee GT-gu ku yaallo oo la sheegay lagu qabtay iyagoo jaad sida in lagu qabtay kaantaroolada magaalada hargaysa laga soo galo kaasi oo qaranka ceeb ku ah iyo go,aamadii ay xukuumadu soo saartay islamarkaana lagu soo kootarabaaninayay.

Gawaadhida lagu qabtay qaadka iyagoo sida ay la sheegay in gaadhayaan tiraba sedex lana qabtay xiliyo kala duwan kuwaasi oo leeyihiin wasiiro iyo Agaasime guud oo xukuumada madaxwayne biixi kamid ah.

Gaadhigan Toyota ah oo midabkiisu ahaa Midabka caddaanka oo ay Ciidanka Booliisku habeen hore ku qabteen mid ka mid ah jidadka dhinaca koonfureed kasoo gala Magaaladda Hargeysa iyadoo qaad lagu soo kootaraabinanayo ayaa sida la xaqiijiyay ay lahayd Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha dawladduiyadoo wararka qaarna ay sheegayaan inuu gaadhigaasi ka mid yahay islmarkaana uu ka tirsan mid ka mid ah Xafiisyadda masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo uu si gaar ah ugu adeegto.

Inkasta oo aanay wali ka hadal hay’addaha ay arrintani khusayso, haddana Lama garanayo sababta ku kaliftay in gaadhi dawladeed lagu soo kootarabaaniyo Qaad,  balse wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in gaadhigii iyo dirawalkiiba ay xidhan yihiin islamarkaana ay baadhis ku hayaan hay’addaha baadhista Dambiyadda Dawladdu.

Dhinaca kale waxay arintani fajiciso ku riday Shacabka Somaliland intii maqashay oo saacadihii la soo dhaafay isku dhaafsanayay baraha bulshada, waxaana islamarkiiba si xoog ah loogu qaadaa dhigay oo lasoo dhigay sawirkii gaadhiga iyo goobta lagu qabtay oo lagu sheegay Masalaha Koonfurta Magaalada Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com