Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

FADHIGII GOLAHA WASIIRRADA JSL OO KU QABSOOMAY HABKA MAQALKA IYO MUQAALKA AH.+ARIMAHA LAGAGA HADLAY

Fadhigii 58aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen   xafiisyadooda, taas oo ka mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19.

Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay Xanuunkan dunida saameeyey ee Covid 19, xoojinta go’aankii hore ee lagu joojiyey qaadka muddo kooban, sidii ay dalka u soo gaadhi lahaayeen daawooyinka iyo mucaawimooyinka Somaliland loogu talo-galay ee ay ku soo deeqayaan muwaadiniinta Somaliland ee hantida leh iyo dalalka daneeya Jamhuuriyadda Somaliland, iyo dardar gelinta hannaanka wacyigelineed ee xanuunka safmareenka ah ee Coronavirus.

Markii shirkaasi soo xidhmayna waxa faah-faahin ka bixiyey afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com