Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

GARYAQAAN XUSEEN FADAL OO SHARCI DARO KU TILMAAMAY IN GAADIIDKA DADWAYNAHA IYADOO XUKUNADOODU AANAY DHAMAANIN CIIDANKA BOOLISKA LA WAREEGAAN.

Garqayaan Xuseen Fadal oo kamid bahda sharciyaqaanada Somaliland ayaa sharican sharci daro ku tilmaamay talaabada ciidanka boolisku kula wareegeen gaadiidka dadkii lagu soo qab qabtay jaadka oo aan wali xukunadoodu dhamaanin islamarkaana aanu jirin baarlamaanku ansixiyay oo jidanaya in muwaadin hantidii lala wareegi karo .

Sidoo kale Garqayaan fadal ayaa deg deg iyo sharci daro ku tilmaamay talaabada ciidanka boolisku ay astaantooda ugu buufisteen gaadiidkii dadka lagu soo qab qabtay qaadka.

Garyaqaan fadal ayaa qoraal oo kooban oo arintaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Xukunadii lagu riday dadkii iyo gaadiidkii lagu qabtay Jaadka wali xukunadoodu may noqon kuwo u bislaaday fulin (final judgment), waxaana taagan wali rafcaankoodii, markaa in la fuliyaa waa sharci darro, sharci darradii hore oo lagu daray sharci darro kale, wareegtadda guddida ka hortagga xanuunka Covid 19, maaha xeer lagula wareegi karo hanti, sababtoo ah wixii dambi ah AMA ciqaab ah waa in uu xeer jideeyo sida uu dhigayo dastuurka JSL qodobkiisa 26aad, kaas oo sheegaya in ciqaabta iyo dambigu ay yihiin wixii Qodob xeer AMA qaanuun jideeyey, waxaana reeban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

QALINKII GARYAQAAN XUSEEN FADAL

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com