Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suldaan Maxamed Suldaan Faarah Hormuudkii Halganka, Bud dhigihii Ciidanka Qaranka iyo Badbaadiyihii Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.

Suldaan Maxamed Suldaan Faarah Hormuudkii Halganka, Bud dhigihii Ciidanka Qaranka iyo Badbaadiyihii Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.

Wuxuu ka mid noqday ciidamadii Somaliland wakhtigii Maxmiyada, markii Aabihii geeriyooday Alle how naxariistee Suldan Farax, waxaa diyaarad lagaga soo qaaday halkii xeradii ciidanka ee uu joogay. Waxaana lagu boqray Ceelka Hargeysa, iyadoo ay goob joogyihiin Madaxdii.

Soomaali jaceyl iyo isku keen umada Soomaaliyeed ee shanta ah, ayuu u hiloobay iyo Inay Somali xor ay noqoto meel ay joogtaba. Wuxuu sanadii 1958, isaga iyo wafti Salaadiinii ay ka qayb qaateen Shirweyne Shantii Somaliya ee loogu qabtay magaalada Xamar, madaamuu Ingiriisku dhulkii Somaliyeed Djibuuti mooye uu afartii kaleba ka talinaayey.

Suldaan Maxamed Suldaan Faraax wuxuu ahaa raguu sababta u ahaa in la soo afmeero, coladihii baahsanaa ee baabiyey Horumarka bulsho, ee sanadihii lixdimaadkii ka jiri jirey dhulalka Soomalida, isagoo had iyo gooraale nabada iyo wada jirka wax walba uga tanaasuli jirey, taasina waxay horseeday, nabad iyo badheedhe umada wada gaadhay.

Suldaan Maxamed Suldaan Faraax, markale ayuu sameeyey go’aan geesinimo leh, oo umadii uu ka soo jeeday ee goboladii waqooyi ee lagu hayey xasuuqa, uu hormuud ka noqday Halgankaasi, markii ergadii u tagtay wuxuu yidhi ” Intaa uu ninkaasi haystay bayba barbaartaasi ii kacdaye, kolse hadii reer Sheikh Isaaq go’aansadey inay heeryadaasi iska ridaan, waan idinla galayaaye, bari yaan la arkin qaar ina daba marteeya ” . Sidii buu Halgankii ugu jirey tan iyo intii dalka laga xoreynaayey.

Suldaan Maxamed Suldaan Faraax wuxuu mar kale sameeyey wax aan inaba caadi ahayn, oo qayrul caadi loo arkaayey. Markii Madaxweyne Cigaal uu bud dhigaayey dhisitaanka Ciidanka Qaranka iyo Hubka dhigistii Beelaha. Suldaan Maxamed Suldaan Faraax wuxuu noqday Suldaankii ugu horeyey ee beeshiisa ku qanciya inay hubkooda ku wareejiyaan Madaxweyne Cigaal. Taasi oo Beel waliba diidaneyd inay hubkeeda wareejiso, iyadoo shaki weyn ka qabtay in la fara madhiyo. Go’aankiisaa geesinimada lihi wuxuu horseeday inay dhismaan ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Soomaaliland.

Suldaan Maxamed Suldaan Faraax wuxuu sameeyey talaabo qaranimada Jamhuuriyada Somaliland lagu badbaadiyey ka dib markii uu qarxay dagaalkii loo qaybsamey labada afkaarood, isagu wuxuu raacay Afkaartii Somalilandnimo. Dawladnimada Somaliland maalintaasi wuxuu ka badbaadiyey sawir ahaa in laba qolo is dileysay, ragbaa lahaa adigu dagaalka iskaga bax ragaasaanu is haynaayee. Isaguse Qaranimo iyo dawladnimuu maalintaasi difaacayey, taasi waxay siisey Madaxweyne Cigaal sharciyad Madaxweyne, waxaanu Suldan Maxamed Suldan Farax buriyey beentii iyo boronbogaadadii ahayd laba reer baa is dilaya, iyo in uu Madaxweyne Cigaal iyo dawladii Somalilandba ka badbaadiyey dagaal sokeeyo, una dhigay shaxdii Dawlad iyo Mucaarid.

Suldaan Maxamed Suldaan Faraax wuxuu hadana mar labaad u guntadey badbaadinta Qaranimada Soomaaliland, ka dib markii qaarka mida Siyaasiyiinta maanta xilalka ugu sareeya qaranku ay soo abaabuuleen Shir ay iskugu keeneen magaalada Hargeysa Salaadiin, ay doonayeen inay ku dhawaaqaan Shir Beeleed, taasi oo Madaxweyne Cigaal iyo maamuulkiisii ay ku sifeeyeen Inqilaab. Markana wuxuu badbaadiyey qaranimada isagoo la saftay Madaxweyne Cigaal, wuxuuna siiyey gacan buuxdaa Madaxweyne Cigaal, sidii cagta loo marin lahaa, Suladiintaasi ku dhaqaaqday wax qaranimada dhawacaya. Wuxuuna deegaankiisii iyo dadkiisii la duufsadeyba uu ka soo reebay ragii qoriga dabka ah kula dhex wareegaayey, isagoo dhabarka u jeediyey beer laxowsigii ragiina gadhwadeenka ka ahaa shirkaa iyo inuu diidey gacmihii shisheeye ee shirkaasi dabada ka waday. Tiisiiba run noqotey, maalintaasna hadii aanu gacan siin lahayn Madaxweyne Cigaal, maanta Soomaaliland dhowra ayeynu arki lahayn.

Suldaan Maxamed Suldaan Faraax wuxuu intii uu noolaa, oo dhan wuxuu u taagnaa,oo uu ka shaqeynaayey wax naftiisa, iyo reerkiisaba ka weynaa oo ahaa Qaranimo iyo inay dadkani helaan dawladnimo taama.

Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo,wuxuu inooga tagay dhaxalkaasi aynu maanta hadhsaneyno hoostiisa.

” Hogaamiyaha aragtida gaabani wuxuu ka fikiraa uun dantiisa iyo doorashadiisa, Hogaamiyaha aragtida dheerina Jiilaalka dhalan doona Ayaahooda, dantiisana wuxuu u lumiyaa, sidii danta guudi u jiri lahayd, waayo wuxuu ogsoon yahay, hadii danta guud la waayo inaan dan gaarka ahina aanay jireyn, waxayna daliishadaan raganimo dantaa moogi bay ku jirtaa “.

Taariikhdan Suldaan Maxamed Suldaan Faraax maha qiso balse waxay inoo tahay cibro iyo inaynu waxna ka barano, waxna ka qaadano, oo qabyada qarankee maanta jirta qof waliba wax waa ka qaban karaayee, cid kale ha ku canaan inay hawshaasi ay qabtaan, isba cid kale kuma canaan.

Maxaynu Hogaamintiisii ka baran karnaa,siiba dhacdooyinkaasi?

1. Wuxuu jeclaa inuu askari noqdo, damaciisii dantiii umada ayuu uga hadhay. Waa in aanad noqon uun mid tiisa gaarka ah uun ka fuudh yeela. Hadii arin lagula yimaado, waa inaad miisaantaa waxtarka uu naftaada tarayo iyo ta uu umada tarayo teebaa muhiimsan. In aanad ergo kuu timid aanad diidin ” Ergo Geesi ma diido “. Waxaynu ka baran karnaa in talaabadu ay iska qoran tahay, oo wax aad rabtay hadii aad gaadhi waydo, inaad wax wanaagsan heli kartid. Hadii umadu kaa raali noqoto in Alle kaa raali noqday.

2. Waxaynu ka baran karnaa, in aad nabada ka shaqeysid, oo hadii laba ay is dilayaan aad kala qabatid. In si nabad loo helo, aad dantaada uga tanaasushid, in mar waloo aad nabada ka shaqeynaysid, uu sawirka guud kuu muuqdaa, oo aanad meel soke ka fikirin. In nabadu ay tahay nolol, colaaduna ay tahay abaar. Inaad nabada wax walba ka hor marisid.

3. Waxaynu ka baran karnaa in aanad noqon ciil qabe, ee hadii lagu gafo aad cafiska qaadatid. In aanad noqonin keebla yurur fursad eegtee, hadii lagu soo baahdo in aad aqbashid. Walaaltinimada iyo wada jirka inaad ku liqdid wax waloo idin soo dhex maray. In aanad gocon wixii laguu geystey ee aad hore uga sii socoto. In balanka aad qaadid aad kaga dhabeysid oo aad oofisid.

4. Madaxda Qaranka in la gacan siiyo, oo aan la dibin daabyeyn, in loo hiiliyo, oon laga hiilin, in balankii shalay lala galay la oofiyo, markay saxan yihiin la taageero, in aanad baqan wakhtiga adag, inaad isku kalsoonaato, inaad qaadatid go’aan aan cidiba ku dhici karin, inaad wax balaleyso, inaad hormuud noqotid, inaad ku dhac yeelatid, inaad wado cusub jeexi kartid, in aanad Alle mooye aanad cid kale ka baqin,in aad aragti fog yeelatid, in aanay sheekada maanta ka mashquulin masiirka bari, in aanad labac labac leyn, in aad qancin kartid dadkaad hogaamisid, inaad tusaale umada u noqon kartid.

5. Maalintay u qadhaadhahay inaad is muujisid, inaad mowqif cad aad leedahay, inaanad ka leexan jidkaad ku taagan tahay, in aanad ka cabsan mid wax canaanta, in aanad u joojin beenaalaha, in aanad ka baqin godob, in qaranimadii shalay ayna aayar hortooda ku burburin, in aanad dawladnimada difaaceeda aanad cidnaba uga hagran, in aanad dawlada cidna marti uga noqon, in aan dawlada laga xigsan, in dawladnimadu aanay qolo noqon karin ee ay tahay hanti qaran oo ay tahay in la wada ilaashado.

6. In aad noqotid qof maskax furan, oo akhriyi kara xaaladaha jira, ku kala saari kara khalad iyo sax, ku garan kara fajista la walaaqayo, ku fahmi kara farta mid waloo wax is bidey uu sameyn karo, ku aan aayar aayar been lagu beerla xowsan karin, mid marka ay danta guud joogto, cagta wax walba mariya tolkiina ha noqotee, mid aan laba wajiile aqoonin oo meel qudha loogu soo hagaago, mid mabdiisa kuna nool kuna dhinta.
W/Q Safiir Daa’uud. See Less

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com