Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Diyaar-Garowga Xaflada Lagu Soo Afmeerayo Takoorkii Shanta QARNI Lagu Hayey Beesha Madhibaan

Waxeynu Marqaatiga Qarniga Ka nahay xaalmarinta, Marxabeysiinta, Raali-gelinta loo sameyndoono 4-7-2020  Beesha Madhibaan ee Maxamed- Gorgaarte. Qoraalkani wuxuu cabiri doona  sidii ku bilaabmey takoorka lagu hayey Beesha Madhibaan, dadaaladii la sameeyey sidii loo joojin lahaa takoorkaa, iyo muhimada laga baran karo guud ahaanba sidii loola dagaalami lahaa takoorka bulsho ee Somalida dhexdeeda ka jira.

Hadii aan ku bilaabo Taariikhda 40 sanno ee ugu dambeeyey Soomaalida waxaa jirrey dad la dagaalamayey cunsiriyada, takoorka, isfaquuqa iyo islaweynida, hase yeeshee dagaalkoodii muusan guuleysan dadkaasi waxaan ka xusi karaa:-

  • Abwaan Hadraawi oo in badan ka soo horjeedsadey takoorka.
  • Abwaan Cumar-dhuule oo ku kaftami jirey qabyaalada Soomaaliga runta ah waa aniga ku faani-jirey
  • Abwaan ahna Heesaa Maryan Mursal Ciise barnaamijkii Quursigu qiilmaleeyahay.
  • Abwaan Axmed Cali Hudeey ahna Ninkii alifey Calanka uu leeyahay Maamul Goboleedka Gal-Mudug, kana hadlo Gorgaarte TV.

Dadkaasi oo dhami kumeysan guuleysan dagaalkoodii ama halgankii dheeraa ay ugu jireen si dadku u sinaan lahaayeen.

Mudo 3 Sanno baraha warbaahinta bulshada waxa qabsatey Gabar la yiraahdo Xamdi Suldaan Ladiif (Xamdi-Kalgacal),  waxey ku dhalatey Magaalada Burco-Somaliland 1986. waxey ka hadli jirtey GYL TV iyada iyo Cadnaan oo ah  reer DJabuuti.

Description: C:\Users\Admin\Pictures\la dagalaanka takoorka xamda kalgacal.jpg

Xamdi waxay ku dhiiratey inay cadayso inay ka soo jeedo Hawiye,  welina Qaybta Gorgaarte hawiye tahayna Madhibaan-Maxamed Gorgaarte.

Si aad u fahanto akhriste an ku iftiimiyo in Hawiye guud ahaan yahey 6 qeybood, midkastaana u sii kala baxo 6 ilaa 7 qabiil. Gorgaarte waa mid ka mid ah 6 Qaybood wuxuuna usii kala baxaa:-

  1. Madhibaan-Maxamed Gorgaarte (Waa curudkoodii waana ka la takoorey);
  2. Wadalaan- Gorgaarte (curudka 2aad);
  3. Maxamuud-Gorgaarte;
  4. Silcis-Gorgaarte;
  5. Mareexaan-Gorgaarte; &
  6. Illaawaay-Gorgaarte.

Xamdi ka dib markii ay ku baaqday inay ka mid tahey hawiye, waxey isla markiiba heshey dad aad u fara badan oo marqaatiyaala sheegana arrintaasi iney run ka sheegtey. Hablihii u kacay arrintaan u istaagey waxaa ka mida;

Nadiifo Cali (qarran), Xaliimo-Jaamac,  Warsan iyo Bilaad Aadan Suufi

Abwaanad Diana.

Xamdi waxey codsatey in lala soo xiriiriyo dad waaweyn odoyaala si ay arintan si qoto dheer usii baadho; Waxaa la heley oo lala xiriiriyey  C/qaadir Cali-yarroow ku nool Waddanka Norway oo ahaa Macalimiintii Dugsiyada sare iyo Jaamacada lafoole  ahaana Ragii Manaahijka Waxbarashada Imtixaanaadka wax ka diyaarin jirey tusaale Dugsiga 4aad ee Sarre iyo Dugsiga dhexe ee 8aad.

24-8-2019 Xamdi waxay Cabdiqaadir la hadashiisey Mubaarak Cali Hirsi oo degen Minapolis/ America, xiligaasina ahaa Suldaanka Madhibaab ee dalka America. Waxayna Taleefoonka ku wada hadleen mudo saacado dheera iyagoo ka hadlayey arintan Madhibaan ee Takoorka.

C/qaadir Cali-Yaroow wuxuu ka degey Muqdîsho taariikhdu markay aheyd 17-9-2019, Wuxuu la kulmey iimaamka Mudulood-Abgaal-Hiraab 22-10-2019. Si wanaagsan iyo balanqaadyo waaweyn ka dib Dhamaan Odoyaasha Hawiye Cuqaasha Ugaasyada waxgaradka waxaa lagu kulmey guriga iimaanka 15-11-2019 waxaana halkaasi ka dhacay Shirkii 1aad oo codsi loogu direy beesha Madhibaan-Maxamed-Gorgaarte, intii uu shirkaasi socdey waxaa laga wada hadley wixii dhaliyey mudo dheer in la takooro Madhibaan. Waxaana soo if baxay qodobadan hoose:

  • Waxaa la cadeeyey in ay muddo laga joogo 500 sanno ka hor ay  dagaalameen Madhibaan-Maxamed-Gorgaarte  iyo Walaalkii Maxamuud-Hiraab-Gorgaarte dagaal aad u foolxun wuxuu ka bilaawdey lama yaqaano hase yeeshee walaalihii kale ee afarta ahaa uma ay garqaadin si toosa ayey ugu hiiliyeen Maxamuud-Hiraab Gorgaarte. Sababtaas  ayuu ka xanaaqey Madhibaan- Maxamed–Gorgaarte. Waxaana arintaas loo tirayaa inay tahey barta uu ka bilaabmay takoorka loo gaystay Beesha Madhibaan.
  • Waxaa la cadeeyey in Gorgaarte Waqtigaa uu degenaa Dhulkii loo yiqiin (TIG-TIGLEEY) oo u dhexeyso Shabeelaha-Hoose, Banaadir iyo Shabeelaha-Dhexe.
  • Waxa la cadeeyey in isku dhacaa ka dib uu Madhibaan Maxamed Gorgaarte ka guuray dhulkaas loo yaqiiney Tigtigleey (Banaadir State). Wuxuuna u guuray Gobalada Dhexe, kuwo waqooyi, Jigjiga (Ethiopia) iyo Djibouti. Waxana xusid mudan in Djibouti looga yaqaan Gorgaarte. Meesha Gobalada Waqooyi looga yaqaan Madhibaan, Gobalada DHexe looga yaqaan Madhibaan, Koonfurta looga yaqaan Maxamed  Gortaarte, jigjigana looga yaqaan Madhibaan.

15-12-2019 waxaa codsigii  ka jawaabey Madhibaan- Maxamed -Gorgaartaha Koonfureed sheegayna inay aqbaleen gogoshii loo fidiyey.

23-12-2019 Xaflad ka dhacdey Sweden ayaa lugu soo dhaweeyey Shirarkii Muqdîsho ka dhacay waxaa halkaasi Gabdhaha Gorgaarte ku Caano-Shubeen Xamdi-Kalgacal iyagoo ku magacaabey Boqorada-Hablaha-Gorgaarte.

Sidoo kale xaflado lagu taageerayo arinkan ayaa ka qabsoomey  5-1-2020 Burco iyo 16-2-2020 Boorama -Somaliland 

27-02-2020 Muqdishu waxaa laga  iclaamiyey in Taariikhdu markey tahay 4-7-2020 lagu qaban doono Stadium-Banaadir (Stadium-enjineer Yariisoow) oo lagu casuumay dhamaan Waxgaradka Soomaaliyeed, si ay marqaati uga noqdaan xaalmarin la siin doono Beesha Madhibaan Maxamed Gorgaarte. Waxana la qorsheeyey inay ka soo qayb galaan odoyaal-dhaqameed gaaraayo 4000 kun iyo dad shacaba oo lugu qiyaasey 20,000kun looguna cadaynayo in Madhibaan Maxamed Gorgaarte ka mid yahay Beelaha Hawiye.

waxa xafladaa xaal marinta ah loogu balanqaadi doonaa in Madhibaan hada ka dib gogosha hawiye uu dhigo lagu arki doono, gabdhaha iyo wiilasha wixii isla yimaado aan leysku diidin oo leysa siin doono, dad walaalo ah oo takoor dhexdooda oolina ay ahaan doonaan.

Xaafad cusub in Xamar looga sameyndoono, In ay ka dagi doonaan Koonfurta Soomaaliya meelwalba ay rabaan iyagoo ku abtirsanaayo Madhibaan-Gorgaarte-Hawiye.

Waa guul usoo hoyatey ummada somaliyeed meelkasta oo ay joogaan inay la dagaalaman takoorka- waxayna tusaale u noqon kartaa in dadka somalida intooda kale ee caadaystay takoorka ay joojiyaan.

Gaar ahaan waxaan fariin u dirayaa in Somaliland sidan oo kale sameyso soona xareysato dadkeeda la heybsooco sida Muuse-dhariye, Tumaal, Anxaas, yahar, Howlaha, Wardheeraha, dadkaasi oo dhamaantood ku abtirsada iney yihiin Dad Dir ah.

Qoraalkan waxaan ku soo afmeeraya inaan soo dhaweynayo guusha la gaadhey. waxayna fariin u tahay inuu dhameystirmi doono takoorku. Sidaas darteedna waxaan leeyahay Umada somaliyeed aynu si wada jir ah uga soo horjeedsano takoorka, Is-xaqiraada, xaasidnimada iyo wixii halmaalaba.

WA- BILLAAHI- TOWFIIQ

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com