Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MADAXII GUDDI UU MADAXWEYNE BIIXI U MAGACAABAY MAAMULKA MASHRUUCA DHISMAHA WADDADA BERBERA-WAJAALE OO ISCASILAY

Waxa Is-casilay Madaxii Mashruuca Dhismaha Jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale ee loo yaqaanno ‘Berbera Coridor’ ee Dalka Imaaraadka Carabtu Maalgelinayo.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa horraantii bishii la soo dhaafay ee June Magacaabay Lix Xubnood oo Masuul looga dhigay Maamulka Mashruuca dhismaha Waddada Berbera-wajaale, waxaana lixda xubnood ka mid ahaa Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) oo isagu ah Ninka ugu sarreeya ama Madaxa Guud ahaan Mashruucasi.


Laakiin, Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) ayaa Masuuliyaddaasi iska Casilay Toddobaadkan gudihiisa.
Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) uu Iscasilaaddiisa u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland, laakiin lama faahfaahin sababta keentay inuu Casilo.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Mr. Dhuudhi ka aqbalay Is-casilaadda isla-markaana uu halkiisii ku beddelay Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo ahaa Guddoomiyihii Komiishankii doorashooyinka Somaliland.
Guddiga uu iska Casilay Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) ayaa waxay Masuuliyaddoodu tahay tahay:-
1. inay si joogto ah u kormeeraan isla-markaana u hayaan diiwaankeeda dhammaan hawlaha dhisme ee mashruuca Berbera Corridor.
2. Inay si joogto ah u dersaan oo u ansixiyaan dhamaan heshiisyada la soo gudbiyo.
3. Inay si joogto ah u korjoogteeyaan hawlaha marshuuca ee soconanaya isla-markaana ay ka bixiyaan talo farsamo dhismaha iyo wixii is-beddel ah ee daruuri ah ee ku yimaadda naqshadaha hadba sida duruufta goobtu noqoto.
4. Inay si joogto ah u kormeeraan oo u hubiyaan tayada dhammaan qalabka iyo shaqada uu gudanayo qandaraasluhu iyo/ama cidda ka wakiilka ah si waafaqsan tilmaamaha gaarka ah iyo alaabta tayadooda la ansixiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com