Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Ma Ahi Socod Barad Dabayshu Waddo..” Saylici

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa si Taxadar leh uga hadlay Xaaladda siyaasadeed ee xilligan ka dhex jirta Xisbiga Kulmiye oo qabsanaya Shirweynihiisa 4-aad.

Mudane Saylici waxa kale oo uu si duur-xul ah uga hadlay Loolan u dhexeeya isaga iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin), kaasi oo ugu tartamayaan Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo daba socda Weerar Afka ah oo kaga yimid Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada Maxamed Xasan Sacad oo Arbacadii la soo dhaafay sheegay in Saylici diiday in lagu tartamo Guddoomiye ku-xigeenka Afraad oo uu muddo dheer ku fadhiyey ayaa sheegay inuu ka mid yahay aasaasayasha Kulmiye isla-markaana uu Tacab badan kaga jiro Xisbiga, sidoo kalena uu yahay ninka labeeya Axmed-siilaanyo marka la eego Tacabka ay soo geliyeen Kulmiye

 “Aniga waxaan ka soo fantay siyaasadda Golaha Deeganka, waxan ka mid ahay Aasaasayasha KULMIYE, Axmed Siilaanyo qofka labeeya ayaan ahay..”

 ayuu yidhi, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, waxaanu intaa sii raaciyey inaanu ahayn Socod-barad hadba dabayshu dhinac u qaaddo “Tacab badan ayaa igaga jira KULMIYE, socod barad ma ahi dabayshu waddo..”

Madaxweyne ku-xigeenku waxa kale oo uu beeniyey warar aan sugnayn oo sheegay inuu Iscasilayo “Xil aan iska casilay ma jiro, shacabkii i doortay ayaan u shaqaynayaa…” ayuu yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com