Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gabadh doonaysa inay Soomaaliya uga qeybgasho tartanka feedhka ee adduunka

Gabadh doonaysa in Soomaaliya uga qeybgasho tartanka feedhka ee adduunka

Ramla Cali waxay doonaysaa in ay noqoto feeryahankii ugu horeeyey ee Soomaaliya uga qayb gala ciyaaraha Olombigga
Ramla Cali waxay doonaysaa in ay noqoto feeryahankii ugu horeeyey ee Soomaaliya uga qayb gala ciyaaraha Olombigga

Ramla Cali oo ah gabadh ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii ayaa waxay haatan heshiis la gashay shirkad qaabilsan tartamada feerka oo la yiraahdo Matchroom Boxing.

Ramla iyada oo ilmo yar ah ayaa qoyskooda ka qaxeen magaalada Muqdisho horaantii sagaashameeyadii markii dagaalka sokeeye socday. Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa.

Ramla oo 31 jir waxay sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.

Ramla Cali waxay barashada feerka billawday markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyadeedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu tahay jimicsi ee aanay tartan doonayn.

Hadda Ramla waxay dooneysaa in Soomaaliya ay ku matasho tartanka caalamiga ah ee feerka marka la gaaro 23-da bisha Oktoobar ee sanadka 2021-ka, tartanka ayaa lagu waday in la qabto sanadkan balse feyraska Koroona dartii ayaa dib loogu dhigay.

“Waxaan doonayaa in aan ku guuleysto tartanka feerka ee adduunka”

“Waxaan ku rajo weynhay in dadka ay aragti wanaagsan ka heysan doonaan Soomaaliya”

Waxaana gabadhan tababar siiyay seygeeda Richard Moore oo isagu ah tababare feerka ah.

Ramla aabaheed wuxuu ahaan jiray Imaam, waxayna ka qalin jabisay jaamacad, marna waxay u shaqayn jirtay shirkad sharciyada ka shaqaysa laakiin waxay soo rawaxi jirtay goor dambe oo habeenimo ah. Lix bilood ka dib ayey ku noqotay ciyaartii oo nolosheda si aad ah saamayn ugu yeeshay.

Waa haweenaydii ugu horaysay ee Muslimad ah ee ku guulaysatay tartanka feerka Ingiriiska.

Muddo dheer ayay hamigeeda ka qarineysay qoyskeeda oo waxay ka baqaysay in aysan u ogolaan doonin.

“Waxaa la joogaa xilligii aan sii xoojin lahaa mihnadeyda, waa mid weli taagan riyadeyda ku aadan ka qeybgalka tartanka olimbikada, waxaan ku faraxsanahay in aan bilaabo safarkaas” ayay tiri Ramla.

Ramla waxay ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska
Ramla waxay ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska

Eddie Hearn oo kamid ah dadka garabka u ah Ramla wuxuu yiri “Sheekada Ramla waa mid qeyrul caadi ah oo dhiirigelin leh, in heerkan ay soo gaarto waxay soo martay dhibaatooyin badan”

“Ramla waxay ku biirtay shirkadda Matchroom, shirkaddaas oo taageereysa qaar kamid ah dumarka ugu wanaagsan ee u taagan xuquuqda dumarka dunida, waxay joogtaa goobtii ugu habooneyd ay ku gaari karto riyadeeda ah in Soomaaliya ay ku guuleysato tartanka caalamiga ah ee feerka”

Soomaaliya weligeed kama ay qayb galin tartanka feerka ee ciyaaraha Olombigga, laakiin Ramla Cali waxay doonaysaa in ay labadaa arimood ba ka dhabayso.

Haday guul ka soo hoyso iyo haddii kaleba, Ramla waxay rumaysantahay in isku dayga arintaasi uu guul u yahay.

“Mar baa [qof dumar ah] fariin iigu soo dirtay baraha bulshada waxay tiri: Gabadheyda ayaa daawatay waraysi lagaa qaaday kaddib waxay bilowday in ay feerka barato, waana toban jir. War fiican buu ahaa oo waxaan is iri haddii aad sidaas dadka qof dhiiri geliya ugu noqoto waabad guulaysatay” ayay tiri Ramla Cali.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com