Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

KAALIYIHII XOGHAYAHA ARRIMAHA DIBEDDA EE MARAYKANKA U QAABILSANAA AFRIKA OO CAALAMKA UGU BAAQAY INAY AQOONSADAAN QADIYADDA SOMALILAND

Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Qaaradda Afrika Sanadihii 1989-1993 Danjire Herman J. Cohen, ayaa Bulshada Caalamka ugu baaqay inay noqdaan Waaqiciyiin oo ay aqoonsadaan kala Tagga Somaliland iyo Soomaaliya.

Danjire Cohen ayaa qoraal kooban oo uu 10-kii October, 2020 ku qoray Bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay inaan la is garab dhigi karin.

“Jamhuuriyaddii Soomaali waxa gumaystay Talyaaniga, Somaliland-na Ingiriiska, labaduna xorriyad ayay heleen si dhakhso ahna waxay u midoobeen 1960..” ayuu yidhi Danjire Cohen, waxaanu intaa ku daray “Somaliland waxay u go’day si ay u samaysato Dawlad Madax-banaan, waa laba aan gebi ahaanba la is barbar-dhigi karin..”

Dublamaasigan Maraykanka ahi isagoo la hadlaya Beesha Caalamka wuxuu  yidhi  “Beesha Caalamku waa inay noqoto Waaqici oo ay aqoonsadaan Kala Taggaas (Somaliland iyo Soomaaliya)…”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com