Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

NUXURKA KULAN QARSOODI AH OO DHEX-MARAY RAYSAL WASAARAHA ISRAA’IIL IYO DHAXAL-SUGAHA SUCUUDIGA MAXAMED BIN SALMAAN

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku Warrantay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu si qarsoodi ah ula kulmay Dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan kaddib markii Uu Axaddii booqasho ku tegay dalkaas.

Waxaana sidoo kale lagu soo warramayaa in kulankaas uu goob Joog ka ahaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo.

Qoraal uu Twitter-ka soo dhigay, la taliyaha Netanyahu (Topaz Luk) wuxuu u muuqday in uu sheegayo in kulan uu dhacay balse Ma jiraan warar rasmi ah oo ku saabsan kulanka Netanyahu iyo Maxamed Bin Salmaan.

Maamulka Trump ayaa isku dayayay in Sucuudiga uu ka Dhaadhiciyo inuu heshiis la galo Israa’iil kaddib markii qaar Kamid ah dalalka carabta ay heshiis nabadeed la galeen Israa’iil kaas oo dib loogu soo celinayo xidhiidhkii ka dhexeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com