Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Midowga Yurub Ee Somaliland & Soomaaliya

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dawladaha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga.

Kulankan oo ku qabsoomay Hab Online ah, iyadoo la adeegsanayo Aaladda la iska arko ee loo yaqaano Zoom, ayaa waxa Maxamuud Xaashi ku wehelinayey Cadnaan Saleebaan Hagoog oo ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa, kaasi oo isagu ka shaqeeyay kulanka Amb. Nicolas iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.

Kulanka oo qabsoomay horraantii bishii dhamaatay ee February, 2021, shirkaas ayaa waxyaabaha lagaga wada-hadlay waxa ka mid ah Doorashooyinka isku sidkan ee qorshaysan inay Somaliland ka dhacaan 31-ka bisha 5-aad ee sannadkan.

Waxa kale oo sida la sheegay shirka lagaga wada-hadlay Xanuunka Covid_19 oo dunida ku soo laba-kacleeyay, Nabadgalyada dalka, gaar ahaan Xaaladda Gobollada bariga Somaliland, maaddaama oo ay tahay xilli loo diyaar-garoobayo doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka oo hal mar la wada qabanayo.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku darayaan, inay jireen qodobbo kale oo ay ka wada-hadleen Safiirka Midowga Yurub iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi, laakiinse qodobbadaasi kale ayaa ahaa kuwo xogtooda aad loo ilaaliyey.

Maxamuud Xaashi oo Sannadkii hore ka cadhooday Xisbiga Kulmiye isla-markaana aan ka qayb-gelib shirweynihii Xisbiga Kulmiye, ayaa muddo toddobaad laga joogo sheegay inaanu Kulmiye ka bixin, balse uu dooddiisii qabo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com