Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Allaah Haw u naxariisto Marxuum Ismaaciil Mire Oo Hargeysa Lagu Aasay + Calankii u horeeyay Ee Somaliland oo uu Nashqadiisa Hindisay

Allaah Haw u Naxariistee Waxa Magaaladda Hargeysa Xalay Ku Geeriyooday, Maanta Gelinkii horena Lagu Aasay Rabbi Naxariistii Janno ha ka waraabiyee Marxuum Ismaaciil Mire Maxamed oo ka mid ahaan jiray siyaasiyiinta iyo Indheer Garadka Somaliland.

Ka hor Burburkii Dawladii Dhexe ee Soomaaliya Ismaaciil Mire waxa uu ka tirsanaan jiray bahda Waxbarashada ee dawladii la isku odhan jiray soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale waxa uu door Muhiim ah ka soo qaatay markii ay somaliland dib xornimadeeda ugala soo noqotay Dalka Soomaaliya nabadayntii beelaha somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Geerida Allaah haw u naxariistee Marxuum Ismaaciil Mire Maxamed Waxa uu ku sifeeyay in uu dalka ka baxay mid ka mid ah tiirarkii adkaa ee dhidibada u taagay somaliland.

Marka laga yimaado halganka iyo dib u dhiska somaliland, waxa uu marxuumku lahaa nashqada calankii hore ee somaliland oo midabkiisu ahaa cadaan iyo cagaar, kaas oo la bedelay 1997-dii.

Mar sii horeysay oo Allaah haw naxariistee Marxuumka la waydiiyay Midabada Calankan iyo waxa uu uga jeedo waxa uu ku sifeeyay in cadaanku uu yahay Nabad, Cagaarkuna uu yahay Barwaaqo.

Allaah haw u naxariistee Marxuum Ismaaciil Mire waxa uu ka tirsanaa Golaha Wakiiiladda inti u dhaxaysay sanadihii 1993-kii ilaa 2005.

Waxa uu sidoo kale marxuumku wax ka aasaasay Xisbigii UDUB oo la hindisay, Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor isaga oo markii dambena ku biiray Xisbiga Talada Somaliland Haya ee Kulmiye.

Waxa uu ahaa Siyaasad Run sheeg ah oo aan la gaban Weedhaha Runta ah, waxaana intii u dambaysay noloshiisa uu wakhtigiisa inta ugu badan ku qaatay Masjidka.

Allaah haw u naxariisto Marxuum Ismaaciil oo Sidoo kalena loo yaqaanay Farxaan Mire Maxamed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com