Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mujaahid Cali Guray Oo Ka Digay Xadhiga Murashaxiinta Mucaaradka “Hooy Waa Iga Talo”

1. TILFOON BUU KULA HADLAY/ KULA HADASHAY MUQDISHO2. HALKAN WAA KA MUSHARAX HALKAANA WAY KA SHARAXAN TAHAY3. SOMALIA XIL BUU KA HAYAA HALKANNA WAA KA MUSHARAXWaa qodobada lagu eedaynayo musharixiinta WADDANI iyo UCID ee la xidhxidhay. Fal dembiyeed ay gacanta kula jireen ma jirin marka la xidhxidhay ee waxa la xidhxidhay iyagoo buuxiyay shuruudihii musharaxnimada ee sharciga Somaliland oo musharixiin ah. Komishanka Doorashooyinku xaq uma laha in ay aqbalaan xadhiga musharixiin ay ansixiyeen waana “test” Komishanka lagu qiimayn karo dhexnimadood, tayadooda, iyo daacadnimadooda.Hadii ay jiraan dembiyo qodobada ay sheegayaan waxa la odhan karaa waa “ clues” laga raaci karo in loo helo cadaymo aan ahayn inta la inoo sheegay. “Clue” waa fure ama albaab laga geli karo baadhis qaadan karta wakhti dheer oo bilo iyo sanado gaadhi kara.Somaliland wuxu sharcigu odhanayaa musharixiinta la xidhxidhay hadii ay Buuxiyeen shuruudihii musharaxnimada waxay leeyihiin xisaanad. Tan ayaa cad oo aan muran lahayn baadhisna u baahnayn. Waxa kale waa tuhun qofna waa la tuhmi karaa baadhistuna way socon kartaa xataa inta lagu jiro doorashada laakiin maxkamad waxa la hor geyn karaa ama la xidhi karaa ka dib doorashada qofka loo helo cadaymo ku filan in maxkamad lagu hor geyn karo ama ha soo baxo ama ha dhaco hadii uu musharax yahaye. Waayo musharaxnimadu qof dembi galay kama badbaadin karto balse ka dib 31 May waa lagu qaadi karaa xisaanadiisuna way buraysaa hadii uu musharax yahay.Markaa hadii sheekadu aanay ahayn tii hore iyo musharixiin laga reebayo musharixiin kale oo Kulmiye ah waxa ka hadhayba waa maalmo eh waxan leeyahay doorashada yaan carqalad la gelinin iyadaa ka muhiimsan waxa kale ee la isku hayo eh

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com