Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MADAXWAYNE KUXIGEENKA JSL OO KA QAYBGALAY DAAHFURKA BUUGA XOGTA QARANKA SOMALILAND.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay bandhiga buug ka hadlaya taariikhda faca-weyn ee dalkan Jamhuuriyadda Somaliland kaas oo ay soo bandhigtay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Buuggan oo loogu talo-galay in la gaadhsiiyo daafaha dunida si bulshadda caalamka loo baro taariikhda dalkan Somaliland ayaa waxa muhiimaddiisa ka waramay xubno ka socday golaha wasiiradda islamarkaana soo jeediyay tallooyin dhaxal-gal ah oo buuggan lagu faafinayo.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo hadal ka jeediyay bandhigaasi ayaa yidhi “Waxaan ku faraxsanahay in aan furo buuggan xogta qaranka Somaliland lagu soo ururiyay, buuggan dadaal weyn ayaa loo galay, waana ku hambalyaynayaa wasaaradda arrimaha dibadda inay soo bandhigto buuggan, dhammaanteena waa inoo sharaf, waxaan dhammaan shacbigana la wadaagaynaa in buuggani yahay buugga rasmiga ah ee xogta qaranka Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com