Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“AXMED CISMAAN GEELE WUXUU XAQ U LEEYAHAY IN CADAALAD UU HELO, TANI WAY KA FOG TAHAY CADDAALAD EH”SIYAASI CALI GURAY.

“Wasiirka Warqadan Qoray Iskuma Helo In Uu Noqdo Muddicigii, Madaacalaygii, Xeer Ilaaliyihii, Markhaatigii, iyo Weliba Garsoorihii Xukunka Ridayay”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “cali guray” ayaa ka dareen celiyay qoraal uu soo saaray wasiirka ganacsiga Somaliland kaasi oo ku sheegay in ay ruqsadii kala noqdeen shirkada adeega maraakiibta oo uu leeyahay ganacsade axmed cismaan geele/

Siyaasi cali guray ayaa talaabada uu wasiirku qaaday ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan islamarkaana uu isaga uun yahay xaakimkii iyo xeer ilaaliyihiin taasina ay tahay mid aan sharci ahayn

Sidoo kale siyaasic cali guray ayaa ku baaqay in ganacsade axmed cismaan geele uu ubaahan yahay in cadaalad helo balse aanay haboobayn in cid kale xoog loogaga qaado xaqiisa

Siyaasi cali guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu kubaahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna  udhigna sidan;

Wasiirka Warqadan Qoray Iskuma Helo in uu noqdo muddicigii, Madaacalaygii, Xeer Ilaaliyihii, Markhaatigii, iyo weliba Garsoorihii xukunka ridayay. Axmed Cismaan Geele wuxu xaq u leeyahay in cadaalad uu helo tani way ka fog tahay caddaalad eh. Hadii uu gardaran yahay sharciga hortiisa ayaa lagaga gar heli lahaa ee sidan aynu arkayno waa laga gardaran yahay. Tartanka xalaasha ahi wuu furan yahay balse ma jirto cid loo xoogi karo cid kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com