Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DAWLADDA ITOOBIYA OO ALBAABADA ISUGU DHUFATAY XAWAALADAHA TAAJ, TAWAKAL, JUBBA & AMAL KUNA EEDAYSAY INAY ARGAGIXISADA TAAGEERAAN

Xukuumadda Federaalka Itoobiya ayaa gabi Ahaanba waxa ay hawada ka saartay oo ay albaabada isugu dhufatay in ka badan Lix xawaaladood oo Soomaalidu ku lahaayeen gudaha waddanka Itoobiya, sidoo kalena ay xabsiyada ku gureen dhammaanba masuuliyiintii xawaaladaaasi.

Masuuliyiin u hadlay qaybta Booliska Baadhista dambiyada dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Federaalka Itoobiya lana hadlay Wakaaladda Wararka ee FANA ayaa sheegay in ay in ka badan Lix Xawaaladood oo ah kuwo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ahi lagu xidhay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa iyo laamo kale oo ay dalkaasi ku lahaayeen kadib markii sida ay boolisku ku eedaynayaan ay xawaaladaasi ka ganacsayeen dambiyo ay dawladda Itoobiya ku sheegtay kuwo dhinaca dhaqaalaha iyo Ganacsiga ah iyaga oo ku eedeeyey in ay lacago u dirayeen una fudaydinayeen dhaqdhaqaaqyo dhaqaale jihooyin ay ku sheegeen argagixiso iyo kooxda Tigreega. Xawaaladaha ay Masuuliyiintani magac dhabeen waxa ka mid ahaa Xawaaladaha TAAJ, Jubba, AMAL, Tawakal iyo 24 Online.

Koomishaneer Birhanu Ababe oo ah baadhaha guud ee dambiyada, ganacsiga iyo dhaqaalaha la xidhiidha ee Booliska Dawladda Federaalka Itoobiya oo ah sarkaalka u xil saaran wixii la xidhiidha dambiyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee qaybta baadhista dambiyada Booliska heer Federaal ee Itoobiya oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Fana waxa uu yidhi: “Xawaaladaha TAAJ, JUBBA, AMAL, TAWAKAL IYO 24 online ayay Dawladda Dawladda Itoobiya Albaabadda u laabtay, waxaanan xabsiga dhignay madaxdoodii. Waxa ay lacagaha ka saari jireen qaybta mooyaale iyo xagga Matame ee dalka Suudaan iyo dhinacan kale ee Wajaale qaybta Itoobiya. Waxaanu daba gal muddo ku haynay xawaaladahan waxaana noo caddaatay dambiyada waaweyn ee ay galeen. Waxaan la tiigsanaynaa sharciga. Waxa ay dhaqaale iyo lacago lagu burburinayo dalkayaga u dirayeen argagixisada kala duwan ee dalka Itoobiya dhibaatada ku haysa”. Ayuu yidhi Komishaneer Birhanu Ababe.

Masuuliyiintani waxa ay warbaahinta u sheegeen in Lacagaha la soo diro in ay dibadda ku urursadaan, oo dalka Itoobiya gudihiisana nidaam sharci darro ah ku siiyaan lacagta,

“Waxaanu gacanta ku dhignay iyo in ka badan 100 buug, akoonada bangiyada kala duwan ee ay isticmaali jireen. Kuwaasi oo xidhiidhsanaa min Wajaale illaa Addis Ababa. Waxa ay u adeegayeen argagixiso. Dhammaan waanu xidhnay xataa maamulayaashoodii ayaan xabsiyada dhignay walina baadhitaan iyo daba gal ayaanu ku wadnaa, sharciga ayaanu horgaynaynaa sida ugu dhakhsaha badan” sidaa waxa yidhi isna Sarkaalka saree e u badlay Booliska Federaalka Itoobiya.

Ugu dambayn waxa ay saraakiishani xawaaladahan Soomaalida ku eedeeyeen in ay dhaqaale xaddi abdan ah ku urursadaan dibadda, gudaha dalka Itoobiyana ay uga shaqeeyaan nidaam baal marsan shuruucda lacageed ee Itoobiya taasi oo keenaysa bay yidhaahdeen in sharciga lala tiigsado dhammaanba masuuliyiinta xawaaladahaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com