Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DUFCADDII 12AAD EE KA BOGSADAY XANUUNNADA DHIMIRKA OO KA QALIN-JEBIYEY XIRFADO LAGU BARAY XARUNTA SAHAN!

 Cusbitaalka SAHAN oo lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu qabtay Munaasibad loo sameeyay Dad ka qalin-jebiyey Xirfado la baray markii ay ka bogsadeen xanuunkii dhimirka oo markii hore halkaa loo geeyay.

Xarunta SAHAN oo ah ta ugu ballaadhan guud ahaan Geeska Afrika, ayaa lagu daryeelaa Dadka qaba xanuunnada dhimirka, iyadoo looga yimaaddo dalal badan oo Bariga Afrika iyo Caalamka intiisa kale ah, waxaana Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka markay bogsadaan lagu baraa Xirfado ay ku shaqo tagaan, sida Dawaarka, samaynta Jaajuurka (Labanka), Laydhka, Barashada Afka Soomaaliga, Qur’aanka Kariimka ah iyo Xirfado kale oo muhiim ah.

Sannad kasta waxa Cusbitaalka Sahan Illaahay Caafimaad ka siiyaa dad tiro badan oo bulshada dib ugu noqda iyagoo bad-qaba isla markaana xirfado kala duwan oo ay ku shaqo-tagi karaan soo bartay.

Sidaasi darteed, Dufcaddii 12-aad ee inta ay bogsadeen, la baray Xirfadahaa kor ku xusan, ayaa toddobaadkan Xaflad Qalin-jebin ah waxa loogu qabtay isla gudaha Cisbitaalka SAHAN oo ay muddo ku jireen.

Munaasibadda Qalin-jebinta ah, ayaa waxa ka qayb-galay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraha Waxbarashada Axmed Abokor, Ciyaaraha Maxamed Siciid Khaawi,  Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maamul-wanaagga, xubin ka socday Guddiga Qandaraasyada Qaranka JSL, Siyaasiyiin Dhakhaatiir, Waalidiin iyo Maamulka Xaruntaasi.

Xubno ka mid ah waalidiinta iyo Qoysaska Dadka Xarunta ku jira oo munaasibadda ka hadlay, ayaa maamulka Sahan Hospital uga mahad-celiyey dedaalka ay geliyeen horumarinta adeegyada xaruntan lagu daryeello Dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaanay ku baaqeen in xukuumadda iyo bulshaduba taageero ku garab-istaagaan Cusbitaalka Sahan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha, Xildhibaan Maxamed Abiib Siikaawi oo ka mid ah Golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, Macalimiinta iyo Dhakhaatiir halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay ahmiyadda xaruntani u leedahay Dadka iyo dalka, waxayna Maamulka xaruntaasi ku bogaadiyeen dedaalka ay galiyeen horumarinta Xarunta.

“Bashiir iyo taageerta Illaahay ha garab-galo, shaqo culus oo aad iyo aad u muhiim ah ayay hayaan. Dadka halkan wax ku bartyna waan bogaadinayaa. Haddii ay rabaan inay aqoontooda sii kordhiyaan, wasaaradda Waxbarashadu waxay diyaar u tahay inay taageerto. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo, waxay mar kasta diyaar u tahay in muhiimadda la siiyo Arrimaha Bulshada. Markaa, iyadoo taa laga duulayo, waxaanu idinkala qayb-qaadan doonnaa horumarinta Xaruntan,” Waxa sidaas yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Abokor.

“Aniga oo ku hadlaya afka Golaha Deegaanka Hargeysa iyo ka Maayarkaba, waxaan halkan ka ballan-qaadayaa wax kasta oo macquul ah oo aanu xaruntan ka qaban-karayno inaanu ku taageerno,” sidaas waxa ballan-qaaday Xildhibaan Maxamed Siikaawi oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda.

Wasiirru-dawlihii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Dawladda iyo Dadweynaha Somaliland ugu baaqay in la isgarab taago Xarunta SAHAN oo uu tilmaamay inay hawl muhiim ah Dadka u hayso.

Bashiir Maxamed Jaamac oo ah Guddoomiyaha, ahna aasaasaha Cisbitaalka SAHAN ee lagu daweeyo, laguna daryeelo Dadka qaba xanuunnada Dhimirka, ayaa ka war-bixiyey Marxalihii ay soo martay xaruntani iyo halka uu Maanta taagan yahay, waxaanu sheegay inay Maamul ahaan dedaalka lagu horumarinayo xaruntaasi ay sii wadayaan, isagoo Laamaha Dawladdana u soo jeediyey inay gacan ka geystaan sidii xaruntu u sii wadi lahayd Daaweynta iyo daryeelka Dadka qaba xanuunnada dhimirka.

“Xarunta Sahan waxay ku jirtaa sannadkii 10aad, waxa soo maray dad ka badan 50-kun qof oo kala kala keenay dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba oo ay ku jiraan dad ka yimi dalalka deriska ee Ethiopia, Somalia iyo Jabuuti.

Sahan waxay ku tiirsan tahay afar tiir oo wax-ku-ool ah. Midi waxa weeyi barnaamij dadkaa naftood-hurayaasha ah ee aan anigu hormuudka u ahay. Ka labaadna waxa weeyi dadkaa waalidiinta ah ee dadkooda nala caawinaya. Ka saddexaadna waxa weeyi dhakhaatiirta Sahan oo iyaga laftoodu naftood-hurayaal ah. Waxa soo raaca tiir afraad oo ah ka dowladda oo gacan taageero na siisa; hadday yihiin Wakaaladda Biyaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Wasaaradda Waxbarashada oo iyagu dhankooda dedaal ka wada.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Sahan, Bashiir Maxamed Jaamac.

Masuuliyiinta ka socday Xukuumadda Somaliland, dhakhaatiirta iyo Waalidiinta dhalay Dadka ka bogsaday xanuunnada dhimirka, ayaa waxay kormeereen qaybaha ay ka kooban tahay iyo dhismayaal hadda shaqadoodu halkaa ka socoto, kuwaasi oo lagu kordhinayo Cisbitaalka SAHAN ee Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Gebo-gabadii waxa uu maamulka cusbitaalka Sahan munaasibadda ku daah-furay Website ama Mareeg cusub (https://www.sahanhospital.com) oo ay hirgeliyaan, taas oo lagu keydiyey macluumaad la xidhiidha wax-qabadka iyo adeegyada cusbitaalka, qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay iyo xogo ku saabsan xannuunka dhimirka iyo sida loola tacaalo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com