MUJ BOOBE OO KA XOG WARAMAY XUSKII 37-GUURADA MAALINTA SHUHADADA EE SNM IYO DAGAALKII BURCA DUURAY EE UU KU SHIHIIDAY MUJ LIXLE.Qormadii: 1aad

Xuska 37-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM

17/10/1984kii – 17/10/2021ka

“Fule dhimashadiisaa,

Dhowr jeer noqnoqotee,

Waxa la yidhi dharaartaa,

Ninka dhiiran geeridu

Isagay la dhalatee’’

– Maansadii Dhahar ee Hadraawi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, cankaabo@gmail.com, www.dharaaro.com

17/10/2021ka, Hargeysa

Qormadii: 1aad

Giblo iyo mashxarad…Gelbis iyo ciyaar….Gardaadinta guul ku timid xinjiro gobo’ yidhi iyo nafo ku go’ay goobo sharafeed……Xuska geesiyaal u shahiiday geyi dadkii ku uummanaa gumeysi ku habsaday…..Gallad iyo abaal intii halganka guddoonsatay….Intii gabannadoodii u soo xidhay ee u sadqeysay…..Intii u gurmatay…..Intii garab iyo gaashaanba u noqotay……Intii guunyada u hurtay…….Intii gumuca iyo gasiinkaba aan ka hagran…….Intii gunnaysay…..Intii gargaartay…..Intii aan gabban ee ka badheedhay…..Intii ka gabayday…..Intii ka geeraartay…..Intii guubaabo iyo goohba la soognayd….Intii gudaha ku sugnayd…..Inti qurbaha ku go’doonsanayd……Intii geela raacaysay……Intii gasiinka beeraysay…….Dheddiggii gurmaday….Lab gadoodsanaa…..Gurbood ciillanaa….Gidhligaanka yeedhay iyo Fiintii gama’ diidday…..Galowgii eedaamay…..Guryo ba’ay iyo gaasaskii le’day ee gamaska loo dhiigeeyay….

Xuska maalin sharfan oo si qiimo iyo qaddarinba leh ugu xardhan bogagga taariikhda ma-guuraanka ah. Xusuusta geesiyaal naftoodii u sadqeeyay dibuxoreynta dal iyo dad gumeysi aan meel fog ka imani ku habsaday.

Taxanahan kooban, waxaynu ku soo qaadan doonnaa:

  • Dagaalkii burco-duurrey siduu ku dhacay, hawl-galladii, khasaarihii iyo macluumaad la xidhiidha,
  • Ujeedooyinkii laga lahaa dagaalkaa: labada dhinacba,
  • Taariikh-nololeedkii Lixle oo kooban,

Waa 37-guuro gow ah. Todoba iyo Soddon sannadood ayaa ka Soo wareegay maalintan loogu wan-qalay maalinta shuhadada. Tuugna ma xado. Shuhadadu iskuma jirto e’, waa shuahadadii Halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka Ka ahayd. Inta geesi la yaqaannay shahiidday ee dal iyo dadba Naftoodii u hurtay, waxaan ka yareyn inta aan la aqoon ee qudhoodii qaaliga ahayd halgankaa hubeysnaa ku weyday. Adduunyadu waxay u taqaannaa ‘DAL-JIRRADA DAHSOON.’ Si aan maalinba qof shahiiday loo xusin ayaa la isku wada xaabiyay oo maalintan la isugu geystay.

Waa 37 sannadood oo sannadkiiba 12 bilood yahay. Intaas ayaa ka soo wareegtay maalintan shuhadada baadi-soocda looga dhigay.

Hadhow bay dhurantaayoo,

Dhugba maan u lahayn iyo,

Ma dhaadaynin tidhaaye,

Waa Dharaar e’ xusuuso,

Milgaheeda dhalaaliyoo,

Car wanaag u dhammeeyo,

Dhaqankeeda hagaajiyoo,

Dhaxal manta ka reeb,

Waa 37-guuradii ka soo wareegtay maalintii la isku haleelay Burco-duurrey 17/10/1984kii. Waa 3-Guuradii Maxamed Xaashi Diiriye, “Lixle” iyo geesiyaashii la shahiiday maalintaa ee Burco-duurrey iyo Lafta Ceelka Reer Xasan ka dagaal galay. Waa 37-Guuradii maalintii ugu shuhadada badnayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maalintaa waxa shahiiday ciidan dhammaa ilaa 57 shahiid oo ku kala qudh-baxay laba goobood oo la isku haleelay: Burco-duurrey iyo dagaalkii dhabar-jebinta ahaa ee meesha la yidhaahdo Lafta Ceelka Reer Xasan. 26 Mujaahid waxay ku shahiideen dagaalkii dhabarka, 31na waxay ku shahiideen Burco-duurrey. Dagaalladaas oo dhacay 17kii Oktoobar 1984kii oo maalin Arbaca ahayd markii hore Burco-duurrey waxa laga soo qaaday 29 shahiid, subaxnimadii Khamiistiina waxa la keenay Rabaso meydkii shahiid Lixle iyo Mubaarak Axmed oo loo yaqaannay ‘Hadhuudho’ oo iilka loo kala rogay. Sidaas ayaa Rabaso loogu Aasay maalintaa 57 shahiid. Waa 37-Guuradii maalintii Rabaso lagu aasay shuhadii ugu badnayd ee maalin qudha wada Shahiidda. Sidaas ayay ku noqotay maalintan amran ee sharfani maalintii shuhadada SNM.

Soddon-guurooyinku iskuma jiraane, waa 37-guuro. 37-guurooyinkuna iskuma jiraane, waa Todoba iyo Sodon guuradii maalinta shuhadada ee SNM.

Muj. Cabdirisaaq Jaamac Xuseen oo loo yaqaan Cabdi-shanaad oo ah guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta ee Sooyaal kana mid ah naafadii dagaalkaas Burco-duurrey, wuxuu ii sheegay in Mujaahid Lixle ciidaankoodaa uu ugu imid meesha la yidhaahdo Celiyo. Markaa uu Mujaahid Lixle ciidanka Celiyo ugu imanayo ee kula wareegayo waxa la socday Muj. Ibraahin Koodbuur oo ahaa taliyaha ciidamada SNM iyo Muj. Faysal-madoobe.

Waxa xasuus mudan in aynu laba dhacdo hoosta ka xariiqno:

1.Waxa laga soo baxay shirweynihii 4aad ee SNM oo ku qabsoomay magaalada Jigjiga 3dii – 9kii Ogos 1984kii,

2.Dugsigii Tobabarka Ciidamada SNM ee Awaare oo hormadii ugu horreysay ka baxday Oktoober 1984kii, taas oo ahayd guuto ka koobnayd saddex urur

Mujaahid Yuusf Meydal Cumar oo dagaalkaa Burco-duurrey ka qayb-galay kuna dhaawacmay goobtaa oo ka jawaabayay su’aal ahayd: ‘Waagu side ayuu idiin ku beryay subaxdaa, mar aan ku wareystay Xarunta VTC-da Sooyaal 15/10/1997kii ayaa iigu jawaabay:

“Subaxaa waagu wuxu noogu baryay fasal wanaagsan oo aanu filaynay in weliba cadawguna  na soo weeraro.”

Waa qalbi-samaantii iyo niyad-adayggii Mujaahidiinta. Dagaalkaa badnaa. Siyaabaha la isu hirdiyay ama foodda la isu daray ayaa badnayd. Hubka iyo ciidanka waxa dheeraa ka nafsiga ah iyo ka saykoolojiga ah. Wax waliba sidaad ka dhigato ayuu ahaa. Haweenkii Hargeysa ka qaxayay ee Geed Deeble u cararayayba, dayuuradihii nidaamkii Siyaadkii Barre u yaqaannay Hawkar iyo Miig, waxay u yaqaanneen Caasha biyo sida oo cidiba waxba iskagama tirin jirin.

Bal hadda aynu ku noqonno mudaakaradii Yuusuf Meydal Cumar. Markanna waxaan maalintaa weydiiyay:

Miyaad ka war-qabteen cadawga?

Yuusuf Meydal Cumar isaga oo meel fog oo hortiisa ah eegaya anna aan is-leeyahay muuqaalladii maalintaas ayaa hadba sidii hillaaca u soo hor maraya, ayuu iigu jawaabay:

“Waxaanu ka war-qabnay dareenka guud sidii uu ahaa, wararkii ay na siinayeen dadkii reer miyiga ahaa ee aanu la degganayn iyo annaga oo arkaynay in ay naga dul guurayaan oo dareen galay. Waxaanu dareensanayn in ay dadku wararka ka helayeen Qol-buulalle oo ay ka war hayeen in meesha lagu soo kordhay. Sidaa awgeed ayuu dareenka nagu jiray u ahaa in uu weerar na qabsan doono.”

Halkaa markii uu marayay, waxaan Yuusuf Meydal Cumar ka wareystay goortii la soo weeraray iyo laxaad-beenaadkii cadawga la soo majaro-habaabiyay. Sidan ayaan maalintaa su’aasha ugu dhigay:

Goor ma ayaa la idin soo weeraray?

Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar isaga oo magan u ahaa xusuustiisii dihineyd ee maalintaa iyo goobtaa taariikhiga ahayd, wuxu si kalsooniyi ku dheehan tahay iigu jawaabay:

“Waxa nala soo weeraray markii ay saacaddu ahayd 1:17 daqiiqadood ee gelinkii danbe. Waxaanu ahayn saddex Urur. Waxaanu ahayn Ururka 1aad oo Cabdirasaaq Axmed Cali haystay, Ururka 2aad oo Cabdikariim Xaashi haystay, Ururka 3aad oo Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Taliye-urur u ahaa, taliye guudna uu saddexdayada Ururba u ahaa”

Bal hadda aan eegno Mujaahidiintii goobtaa cadawga ku haleeshay sidii ay u hubeysnaayeen. Waa kan Yuusuf Meydal Cumar oo aynu gaaxdiisii sii maallaa, waxaanu intaa hore ku kabay:

“Hub waxaanu ka haysannay hubka fudud ee loo yaqaan ‘small arms’. Waxa noogu weynaa qoryaha loo kala yaqaan sebenka (Baasuuke) iyo BKM-ka. Waxa kale wuxu ahaa qoriga AK-ga ee aanu Dugsigii Tababarka kala soo baxnay kaas oo loo yaqaannay ‘Nuur-Madoobe.’”

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com