Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

MULKIILAHA WORLD REMIT OO SHEEGAY IN MAAYARKA CAASIMADU TALAABO KA QAADAY SHAQAALE DAWLADA HOOSE KATIRSAN OO LACAGO KA URURSADAY HOOYOOYINKII SAHAMIYE FOUNDATION CAAWIYAY!

Mulkiilaha xawaalada world Remite ahna aas Aasaha Sahamiye Foundation Ismaaciil Axmed ayaa maayarka Caasimada hargaysa cabdikariim Axmed Mooge ku bogaadiyay talaabo deg deg ah o uu kaqaaday qaarkamid ah shaqaalaha dawlada hoose oo lacago laaluush ah ka qaaday hooyooyin ku ganacsatada suuqa waaheen oo dhawaan sahamiye foundation uqaybiyay lacag si ay uga soo kabtaan gubashadii suuqa ismarkaana ay dib ubilaabaan ganacsigoodii.

Mulkiilaha world Remite iyo sahamiye foundation ayaa qoraal uu arintaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga kaasi oo udhignaa Sidan;

“Waxaan Bogaadinayaa tallaabadii deg degga Ahayd ee maayar Cabdikariim ka qaaday niman Cashuur ururiyaal ah oo dumarkii danyarta ahaa ee Sahamiye Foundation lacagaha siiyey ka daba tegay oo lacago laaluush ah ka qaatay. Waxay ka qaadeen $30-$40 kuwii aannu siinnay $500, halka kuwa muuska iibiya ee aannu siinnay $200 ay ka qaateen $10-$20.

Nimankan oo muddo dheer cashuuraha ka ururin jiray suuqa Waaheen, waxay ka mid ahayeen dadkii ka shaqeynayey aqoonsiga dumarkii la diiwaan gelinayey. Markii ay arkeen in si adag loo hubinayo liisaska dadka oo aanay suuragal ahayn in magacyo been ah lacag lagu qaato ayay la yimaaddeen qorshahan.

Waa masiibo qaran oo kale in hay’adaha dawladda ay ka shaqeeyaan oo metelaan dad damiirkoodu siinayo in ay dhacaan dadkeenna kuwii ugu jilicsanaa ee ku caydhoobay suuqii gubtay.

Sida keliya ee wax looga qaban karaa waa in ololihii dooxa Hargeysa lagu nadiifiyey mid la mid ah oo dadweynuhu ka wada qayb qaataan hay’adaha dalka ka shaqeeya looga nadiifiyo xatooyada iyo musuqa baahsan ee kansarka noqday.

Waxa aan iyagana bogaadinayaa dadkii warka nasoo gaadhsiiyey oo aannu abaalmarin siin doonno si loo dhiirrigeliyo in siidhiga lagu afuufo dadka musuqa sameeya.

Waxa qoray: mulkiilaha World Remite.

QORE ISMAACIIL AHMED AAS AASAHA WORLD REMITE.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com