Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka HORSEED Oo Soo jeeddiyay In La Raaco Sharciyadda Dalka

Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka HORSEED Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), ayaa sheegay in khilaafka siyaasaddeed ee ka taagan qabsoomidda doorashooyinka uu yahay mid waligiiba dhici jirey oo soo noqnoqday, balse waxa uu sheegay in khilaafka hadda jira aan xalkiisu adkayn, laakiin meel khaldan laga raaddinaayo.

WAREYSI DHINACYO BADAN TAABANAYA OO SAHANTV LA YEESHAY CABDILAAHI XUSEEN IIMAAN 'DARAWAL' - YouTube

Guddoomiyaha urur-siyaasaddeedka HORSEED Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo waraysi siiyay telefishanka Sahan, waxa uu sheegay in tartanka ururrada siyaasadda hadda la galaayo, dabadedna saddexda Xisbi qaran ee soo baxaa ay ku tartamayaan Doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, isagoo meesha ka saarray inaanay jirin Saddex Xisbi oo u tartamaayo Doorashadda Madaxweynaha ee 13-ka November ee sanadkan.
“Waxaan doonnayaa inaan ka hadlo laba arrimood. Midda koowaad waa hawsha urur-siyaasaddeedka Horseed, marka hawshaasi si wanaagsan bay u socotaa dhammaan gobollada dalka oo dhan, shuruudihii la iska rabay-na waa gebo-gebo ayay hadda marayaan,maalmaha soo socdanna way soo wada xarroonayaan,waannay mahadsan yihiin dadka tirrada badan ee hawlahaas gacanta ku haya.
Arrinta labaad waa tii la is haystay ee la isku khilaafsannaa doorashooyinka, waligeedna waa la isku haystay, laakiin tan maanta waxay kaga duwan tahay waxaad mooddaa in meel aannay ku jirin laga baadhaayo, horenna waan u sheegay, markaa nimankan Mucaaridka ah waxaan leeyahay waar dalka u naxa.

Innagoo Distoor leh, oo Shuruuc leh oo Soddon sano jirnay ayaa maalin walba inta Sharcigii halkaas la iska dhigo Odayaal ka garnaqayaan oo Hay’addaheenii distooriga ahaa la heshiisiinayaa, waxaanna keennaaya waxaas Sharcigii aynu dhiganay ayaan sidiisa loo raacayn.
“Doorashadda ururradu waaba imika oo wakhti bay leedahay, waanna bisha December ee sanadkan, waanna wakhtiga ay ku dhacayso. Xisbiyadduna way xarreeyeen oo qayb bay ka yihiin hannaanka qabsoomidda doorashadda Ururrada siyaasadda. Koomishanka doorashooyinku waxay sheegeen wakhtiga ay ku diyaarin karraan doorashadda, waanna laga yaabbaa inaanay wakhtigaasi kuma diyaarin karin, oo qaar baaba saddex sano ka bacdi ku dhici jirey wakhtiga loo qabto, markaa waanay ku dhici kartaa, waanay ka dib dhici kartaa.
Anigu muddo-kordhinta waligay-ba waan ka soo horjeedday oo boqol jeer oo aan hadlay-ba waan sheegay, markaa Muddo-kordhintaasi waa waxa Sharciyaddeena baabiiyay, markaa anigu wakhtigaas ay Nimankaasi qabsaddeen ayaan taageersannahaye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com