Somaliland Oo Mar Labaad Ku Dhawaaqday In Xaalada Laascaanood Nabad Lagu Dhameeyo.
"Xukuumaddu waxa ay mar walba diyaar u tahay in xaaladda Laascaanood ka taagan lagu dhammeeyo
Xukuumadda Soomaalilaand iyada oo fulinaysa go’aamadii ka soo baxay shirkii degdegga ahaa ee Galaha Wasiirrada JSL ee qabsoomay taariikhdu markay ahayd 06/02/2023, sidoo kalena tixgalinaysa baaqyada kala duwan ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka imanaya ee xambaarsan in xaaladda Laascaanood nabad lagu soo celiyo, Xukuumaddu waxa ay mar walba diyaar u tahay in xaaladda Laascaanood ka taagan lagu dhammeeyo wada-hadal iyo is-afgarad, marka laga reebo kooxaha argagixisada ah.
Maalintii labaad ayuu magaalada Laascaanood gabalku ugu dhacay xaalad dagaal, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed