Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Guddiga La Dagaalanka Musuqmaasuqa Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaaday In Ay Bilaabiyaan Baadhitaano Saamayn Doona Hay’adaha Dawliga ah Iyo Kuwa Madaxa-bannaan Ee Dalka.

Hargeysa (Maanta Somaliland) Des.12, 2010 – Guddoomiyaha guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo maamul wanaaga Somaliland Mudane Axmed Muxumed Madar, ayaa maanta sheegay in ay dhawaan bilaabayaan baadhitaano iyo dabagalid ay ku samayn doonaan Hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa-banaan ee dalka.

Gudoomiyaha oo ka waramaya arintaasi wuxu yidhi: ”Waxaanu u diyaar-garoobaynaa sidii loo bilaabi lahaa baadhitaano iyo dabagal buuxa oo lagu samayn doono nidaamka ay u shaqayeen Hay‘adaha dawliga iyo kuwa gaarka leeyahay ee madaxa-banaani, si loo cidhibtiro musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta dalka ragaadisay”.

Mudane Madar waxa uu meesha ka saaray in baadhitaanadu ay ku koobnaan doonaan oo kaliya saraakiishii xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale, balse baadhitaanku uu taaban doonaa cid kasta oo lagu eedeeyo in ay ku kacday wax isdaba marin iyo musuqmaasuq, balse aanay jirin cid si gaar ah loo beegsanayo.

Guddoomiyaha guddida la dagalaanka musuq-maasuqu waxa uu intaa ku daray in la xisaabtanku yahay mid waajib ah oo horseedi doona, sidii looga fogaan lahaa maamulxumo dalka dib u dhac ku keenta, islamarkaana loo heli lahaa dawlad dalka ku hagta hanaan maamul oo uu sal u yahay qawaaniinta u taalla wadanka.

By Hussein Harbi,Hargeisa Somali land
Phone Number: 4492093

Email Address: harbi_31@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com