Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa (maanta Somaliland)- Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa ay maanta kulan xogwraysi ah la leeyeesheen Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland

Wasiiro Hortagay Guddida Joogtada ah ee Guurtida

Hargeysa (maanta Somaliland)- Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa ay maanta kulan xogwraysi ah la leeyeesheen Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland.

Kulankan xogwaraysiga ah ee ay maanta Guddia joogtada ahi la yeesheen wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha Dr.Maxmed Cabdi Gaboose iyo Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil Cabdilaahi Xasan, ayaa waxa uu ku salaysnaa in ay masuuliyiintaasi uga xogwaramaan Gudida Joogtada ah ee golaha guurdiada shaqooyinka ay Wasaaradahoodu qabaaan iyo xaalda wakhtigan taaga ee khusseya Wasaaradahaasi.

Kulankan oo ka qabsoomaya xarunta golaha wakiilada Somaliland ee magaalda Hargeysa, ayaa markii uu dhamaaday uu Guddomiyaha Gudida joogtada ah Md.Muxumed Aw Axmed oo

u waramayay Saxaafadda waxana uu sheegay in Golaha guutida ay masuuliyad gaar ahi ka saarantahay arimaha Diinta iyo Amaanka ee dalka, isla markaana uu kulan kani ku salaysnaa sidii ay Guddida joogtada ahi xog buuxda uga heli lahaayeen amuurahaasi.

Gudoomiyaha Gudida joogtada ah Md.Muxumed Aw Axmed isaga arintaas faafaahin ka bixinayana waxa uu yidhi “ golaha guurtida waxa masuuliyada gaar ahi ka saran tahay arimaha Diinta iyo Amaanka ee guud ahaan dalka kulankna waxa uu xidhiidh la leeyahay sidii aanu xog dheeraad ah arimhaasi uga heli lahayn, waxana aanu u yeedhnay Wasiirda Arimaha Gudaha iyo Diinta iyo Awqaafta oo maanta halkan noo yimid xog balaadhan na siiyey.”

Waxa kale ooo uu intaas ku daray Gudddoomiyhu “ wasaarada arimaha Guduhu dee marka koowaad amaanka wadanka iyadaa masuul ka ah, wasiirkana arimhaas ayaanu kala hadalaynay, wasiirka Diintana waxa kala hadalnay arimaha Diinta, dhaqan xumada inagu soo badanaysa iyo dhaqanada shisheeyaha oo inagu soo korshaya marba marka ka damabaysa, waxa kale oo aanu waxa ka weydii nay Masuuliyiintaas waxyaaba ay ka qabtaan iyo qorha ay kaleeyihiin amuurahaas, masuuliiintaasi aad ayey run ahaantii noogu xogwarameen.”

Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay in ay kala hadleen Wasiirka Daakhiliga xalinta shaqaaqooyinka ka taagan deegaanda Ceel-bardaale iyo Kalshaale isaga ooo arintaas ka hadalayan waxa uu yidhi “ waanu kala hadalnay Wasiirka xalinta shaqaaqooyinka ka taagen deegaanada Ceelbardaale iyo Kalshaale waxa uu noosheegay in ay arimhaasi meel aad u wanaagsan marayaan isla markaana gacanta lagu hayo habkii loo mari lahaa xalinta khilaafaadkaas.”

Waxa kale oo uu Gudoomiyha Guddida joogtada ahi sheegay in Wasirka arimaha Guduhu u sheegay in khatarta kaliya ee u baahan in laga diytaar garooba ay tahay dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Maamulka Punland, isa oo arintaas ka hadalaya waxa uu yidhi “ khataraha iyo Dhibaatada kaliyaha ee laga taxadari karaa ee ay Masuuliyiintaasi noo sheegaan waa nimankaas keensaday raga calooshood u shaqaystayaasha ah ee Punland, waxii taxadar ah ee arintaas la xidhiidhana Dawlada iyo dadkeedu ay ka leeyihiin.”

Waxa kale oo uu sheegay Md.Muxumed Aw Axmed in ay u sheegeen masuuuliyiintaas in ay tahay in ay adeegsadaan waxa kasta oo u sahlaya in ay sugaan amaanka dalka, isaga oo intaasi ku daray in ay tahay in cabasho kasta oo ay tabanayaan shacabku ay tahay in is afgarad lagu xaliyo isla markaan ay fariintaas gaadhsiiyeen Masuuliyiinta ay kulanka la yeesheen.

Ugu dambayntiina wax uu Gudoomiyaha Guddiada joogtada ah ee golaha Guurtida Somaliland Md.Muxumed Aw Axmed ka sheegay in ay Wasiiradaas kala hadleen abaaraha dalka soo food saaray, isaga oo sheegay in ay Wasiiradaasi u sheegeen in ay Xukuumadu diyaar u tahay in ay Gacan buuxda ka gaysato sidii waxa loogu qaban lahaa dadyowga ay saameeyeen Abaarahaasi.

Xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com