Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Colaaddii Ceelbardaale oo lasoo Afjaray galabta

Colaaddii Ceelbardaale oo lasoo Afjaray galabta

madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmay labo beelood oo muddo dheer colaado u dhexeeyeen

Hargeysa Talaado, Mid ka mida colaadaha muddada dheer ka jiray Somaliland oo ka taagnayd Deegaanka Ceelbardaale ee u dhexeeya Dila iyo Gebilay ayaa maanta beelihii isku hayey isla qaateen in jawi nabdoon lagu soo gebagebeeyo ka dib markii ay kulan la qaateen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo ayaa u magcaabay guddi shan xubnooda oo ka tirsan Golaha Wasiirada si ay uga hawlgalaan sii ambaqaadidda heshiiskan la wada gaadhay

gudidan laba dhinac kasocotay ayaa isla qaatay galabta fiidkii goaan ay si wada jir ah u wada saxeexeen, goaankaas oo ka turjumaya hashiiska laba beelood ee ah in colaada lasoo afjaro,waxaanan qodabadaas idiinku soo gudbin doonaaa in yar ka bacdi warkan warka xiga.
hussein harbi
maanasomaliland
hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com