Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Odayaasha Beelaha Dila Iyo Gebilay Oo Maanta Heshiis Kala Saxeexday

Odayaasha Beelaha Dila Iyo Gebilay Oo Maanta Heshiis Kala Saxeexday

Hargaysa (maantasomaliland)- Odayaasha labada beelood ee shaqaaqadu ku dhexmartay Deegaanka Ceelbardaale ayaa maanta shir ballaadhan oo ay markii ugu horaysay yeesheen ku ballanqaaday in ay ka wada shaqayn doonaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka muddada dheer soo jiitamayay.

Kulankan oo ka dhacay gurigii hore ee Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa goobjoog ka ahaa Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), todoba wasiir oo ka tirsan xukuumadda, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka.

Nuxurka qoraalka heshiiska ay kala saxeexdeen labada dhinac iyo magacyada waxgaradkii u kala saxeexay waxa uu u dhignaa sidan” Anaga oo kala ah oayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, wakiilna ka ah Beelaha Reer Xareed iyo Reer Maxamuud Nuur oo ah dad walaala ah, isla markaana uu ka dhexeeyo daaq iyo deegaan, waxa aanu halkan ku caddeynaynaa Axdi iyo ballanqaa in aanu daacad ka nahay wada hadalka arrimaha na hex yaala. Waxa Kale oo aanu ku ballanqaadaynaa in aanu nabad xidhno, soona celino walaaltimadii iyo wada noolaanshihii caadada noo ahayd.

Sidoo kale waxa naga go’an in aannu adkeyno nabadgelyada ay dantayadu ku jirto, iyadoo aan si buuxda u taageerno una ogolaannay baaqii nabadeed ee uu noo soo jeediyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo aanu halkan ku caddaynaynaa in odayaasha labada beelood ee magacyadoodu hoosta ku qoran yihiin ay ka wada shaqayn doonaan sidii loogu buulaysan lahaa wada hadalada iyo heshiisyada socda ee ku wajahan xallinta khilaafaadka muddada dheer soo jiray.

Magacyada Odayaashsa Beesha Reer Xareed (Gebilay)

1. Sh. Maxamuud Sh. Maxamed Raage

2. Caaqil Yaasiin Caqli Nuur

3. Caaqil Nuur Cilmi Samatar

4. Caaqil Maxamed Xasan Samatar

5. Caaqil Maxamed Cige Geele

6. Caaqil Ibraahin Abraar Mixile

7. Maxamex Taani Geedi

8. Faarax Miigane Nuur

9. Cumar Barkhad Bulaale

10. Xasan Magan Faarax

11. Jeef Caaqil Aw Yuusuf Magan Faarax

12. Aadan Barkhad Bashiir

13. Xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale

14. Xasan Aw Muuse Warsame

Magacyada Odayaashsa Beesha Reer Maxamuud Nuur (Dila)

1. Caaqil Ibraahin Ismaaciil Guuleed

2. Caaqil Ismaaciil Ibraahin Mooge

3. Cabdillaahi Cali Xuseen

4. Nuur Barkhadle Jibriil

5. Cali Xaaji Xirsi Cawaale

6. Xasan Sheekh Muumin

7. Nuur Cilmi Agoon

8. Xildhibaan Maxamed Axmed Barre (Garaad)”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com