Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumada Oo Shaaca Ka Qaaday In Mushaharka Shaqaalaha Iyo Ciidamada Sanadkan 2011-Ka Loo Kordhin Doono

Xukuumada Oo Shaaca Ka Qaaday In Mushaharka Shaqaalaha Iyo Ciidamada Sanadkan 2011-Ka Loo Kordhin Doono

Barnaamijka maqal dadkaaga ee Wasaarada Warfaafintu ay soo qaban qaabiso ee …

Hargaysa,(maantasomaliland
) – Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in dawladu sanadkan 2011-ka ay shaqaalaha iyo ciidamada mushaharka u kordhin doonto %75, isagoo intaa ku daray in balan qaadkii xisbiga Kulmiye Barnaamijkii ololaha doorashada uu ku balan qaaday inuu u kordhin doono shaqaalaha iyo ciidamada % 300 aanay wakhtigan xaadirka ah duruufaha dhaqaale saamaxayn, balse uu tilmaamay in xukuumadu dhaxashay dayn faro badan.

Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay ka hadlayay Barnaamijka maqal dadkaaga ee Wasaarada Warfaafintu ay soo qaban qaabiso ee dad weynuhu su’aalaha ku weydiiyaan masuuliyiinta dawlada oo wasiirka dulista lagu weydiiyay su’aal ku saab sanayd balan qaadkii xisbiga Kulmiye ee korodhsiimada Mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada %300 waxay u fulin weyday xukuumadoodu.
Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo arinkaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Shaqaalaha dawlada marka laga reebo ciidamada waxay tiradoodu gaadhaysaa todoba kun iyo dheeraad, sanadkan 2011-ka waxa u qorshaysan dawlada in shaqaalaha iyo ciidamada Mushaharkooda loo kordhiyo %75, xisbiga Kulmiye wuu ku balan qaaday Barnaamijkiisii ololaha doorashadii madaxtooyada inuu Mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada loo kordhin doono %300, hase yeeshee balan qaadku waxa uu ku salay san yahay waxaanu helno ee na oo gala daraasadii dawladu ku samaysay shaqaalaha dawlada waxa lagu soo saaray shaqaale gaadhaya 1000 qof oo aan shaqaynin Mushaharkooda-na la qaato. Sidaa darteed laga hadhi maayo inu Mushaharka shaqaalaha kor loo qaado kolba wixii dhaqaale ah ee la awoodo”

Mahamed Mahamuud

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com