Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cida Carqaladaynaysaa Waa Niman Ka Ganacsada Dhiiga Beelahaasi Oo Mansabyo Ku Doonaya” Xildhibaan Obsiiye

Cida Carqaladaynaysaa Waa Niman Ka Ganacsada Dhiiga Beelahaasi Oo Mansabyo Ku Doonaya” Xildhibaan Obsiiye

Hargeysa-(maanta somaliland)- Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kaga jira degmooyinka Dila iyo Gabiley gaar ahaana ka soo jeeda labada beelood ee deegaanka Ceel-Bardaale ee nabadaynta isla qaatay ayaa sheegay in cida carqaladaynaysa nabadaynta deegaankasi Ceel-Bardaale ay tahay cid qaranimada Somaliland wax yeelaysa, isla markaana ah kooxo ka ganacsada dhiiga beelahaasi oo aan ogolayn in nabadi ka dhalato labadaa beelood ee walaalaha ah.
Waxa kale oo ay xildhibaanadani xukuumada Somaliland ugu baaqeen in talaabo adag ay ka qaado cid kasta oo lidi ku ah geedi socodka nabadaynta colaada Ceel-Bardaale, soona jeediyay in sharciga la hor geeyo cid kasta oo ku kacda ficilo ka dhan ah nabada beelahaasi.
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ah xildhibaanada ka soo jeeda deegaanka Gabiley iyo xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo isaguna ka soo jeeda beesha Dila ee gobolka Awdal oo war baahinta u waramayey. ayaa iyagu taageero buuxda siiyay nabadaynta ay isla gaadheen labadaasi beelood.
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka hadlaya arinkaasi waxa uu yidhi “Nabadayntani waa mid dadweynaha ka soo baxday oo loo baahnaa, ninka nabada diidayaana waa nin qaranimada wax yeelaya oo diidan in nabad lagu dhameeyo shaqaaqadii Ceel-Bardaale cid kastoo ka hor timaada nabadayntaasina waxaanu leenahay faraha ha kala baxaan. Xukuumada-na waxaan ugu baaqayaa waa inay ilaaliso nabadaynta ay isla qaateen labadaa beelood cida wax yeelaynaysana ay gacan bir ah ku qabtaan”
Dhinaca kale xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo aanu isagana wax ka weydiinay aragtidiisa ku aadan nabadaynta labadaa beelood isla qaateen ayaa waxa uu yidhi “Nabada ay qaateen labadaa beelood ee walaalaha ahi waa mid mudan taageero, waana laba walaalo ah oo wada dhashay oo dhal iyo dhasheed ah oo cid iska xigtaa aanay jirin cidii ka hor carqalad ku samaysana waxaanu u argnaa cid dhiiga dadkaasi ka ganacsanaysa waana niman mansabyo ku doonay dhiiga dadkaa walaalaha ah, waxaan uga digaynaa in laga daayo hadimada dadkaa wada dhashay, xukuumada-na waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo ka hor timaada oo wax yeelo u gaysata nabadaynta Ceel-Bardaale in talaabo adag laga qaado sharciga-na la hor geey

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com