Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

madaxweynaha somaliland oo la filayo in uu socdaal ku tago gobalka saaxil iyo tabashooyin is biirsaday oo ku gadaamanxeebta magaalada berbera ee batalaale(gobalka saaxil)

madaxweynaha somaliland oo la filayo in uu socdaal ku tago gobalka saaxil iyo tabashooyin is biirsaday oo ku gadaamanxeebta magaalada berbera ee batalaale(gobalka saaxil)

Berbera, January, 07, 2010- (maantasomaliland.com)- Duruufaha kala duwan ee wax-ka-qabashadoodu hortaal safarka Madaxweyne Siilaanyo la filayo inuu Isniinta ku tago Gobolka Saaxil waxa ka mid ah dib-u-dhacyada iyo dayaca adeegyada bulshada ee ka muuqda magaalo-xeebeedda Berbera oo ah halbowlaha ugu weyn ee dhaqaalaha Somaliland ku tiirsan yahay.

Arrimaha ugu horreeya ee u baahan in Madaxweyne Siilaanyo degdeg wax uga qabto waxa ka mid ah jidka laamiga ah ee uu sii mari doono magaalada Berbera, kaasoo uu ka muuqdo dayac iyo burbur fara badan oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad muwaaddiniin ah dhawrkii bilood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland safarka uu ugu xadhko xidhanayo Gobolka Saaxil waxa ku xeeran oo sugaya tabashooyin is-biirsaday oo shacabka gobolkaasi la tiicayaan, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin dib-u-dhaca iyo basaasta qayrkeed ka reebtay ee hadheeyey magaalada xuddunta u ah dhaqaalaha Somaliland ee Berbera, taas oo qarka u saaran inay ku biirto magaalooyinka laga hajaariyey ee laga murugoodo siday waayo u camirnaan jireen.

Berbera oo ay ku taal dekedda weyn ee waddanka oo dhan laga masruufo, haddana waxa ka muuqda basaas aad u fool xun oo aanay la qabin magaalooyinka kale ee dalka, labaatankii sannadood ee Somaliland dhisantayna guri ka duma mooyee way yar yihiin dhismeyaal cusub oo magaaladaas laga bineeyey, iyadoo badi daarihi dhaadheeraa ee ku yaallay Berbera ay intoodii badnayd hadda noqdeen bahalo-galeen waa hore laga guuray, halka in kale oo aad u badanna dayac iyo dad la’aan u dumeen.

Sidoo kale, Berbera waxa ka muuqda dib-u-dhac aad u weyn oo keli ku ah, gaar ahaan horumarinta adeegyada kala duwan sida; caafimaadka, waxbarashada iyo koboca dhaqaalaha oo magaaladaas ka dhigay mid aan dad badan joogin, arrimahaas oo dhammaantood ah qaar horyaal safarka ugu horreeya ee Madaxweyne Siilaanyo ugu kicitimayo Gobolka Saaxil tan iyo markii xilka loo dhaariyey 27kii July 2010.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha reer Berbera ayaa u si weyn uga dhursugaya isbeddelka ay ka waayeen xukuumadahii hore ee uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku kasban karo kalsoonida shacabka Gobolka Saaxil oo xukuumaddiisa cusub ka sugaya wax-ka-qabashada duruufaha iyo dib-u-dhacyada aan dalka intiisa kale la wadaagin ee wehelka u noqday gobolkooda, gaar ahaan magaalo-madaxdiisa Berbera.

weriye siciid abdi aadan

maantasomaliland.com

berbera

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com