Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

ciidamada Maleeshiyada SSC Oo Degtay Fadhiisin Kulaalaya Ciidamada Qaranka

ciidamada Maleeshiyada SSC Oo Degtay Fadhiisin Kulaalaya Ciidamada Qaranka
January 9 /1 /2011

Buuhoodle (maantaSomaliland.com)- Maleeshiyada nabad diidka ah ee SSC ee falalka nabadgelyo darro ka wada deegaamadda Gobolka Buuhoodle, ayaa la sheegay inay u guurreen meel u dhow Tuulladda Maygaale ee dhawaan lagu qabtay shirarkii nabadeynta shaqaaqadii Kalshaalle.
Maleeshiyadan ayaa la sheegay inay daan daansanayaan Ciidammada qaranka oo ku sugan jiidaasi. Sida uu ku soo waramayo Weriye Xuseen Jibriil oo ku sugan magaalada Buuhoodle waxa maleeshiyadaasi ka dabo tagay Badhasaabka Gobolka Buuhoodle iyo Cabdi Maalik Bashiir Baydan oo ka mid ah madaxda ciidammada Somaliland ee ku sugan Gobolka Buuhoodle.
Waxa warku intaasi ku darayaa inay suurto gal tahay in ciidamadda qaranka iyo Maleeshiyada Nabad diidka ah isku dhacaan.
Waxa wararka ka imanaya deegaankaasi ay sheegayaan in Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle ay kulamo la leeyihiin horjoogeyaasha kooxdaasi oo ay u soo jeediyeen inay ka guuraan halkaasi si aanay iskugu dhicin Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaasi.
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay kooxdan u aqoonsan tahay nabad diid waxaanay hore uga digtay inay joojiyaan falalka nabadgelyo darrada ah ee ka wadaan degaamada Sool iyo Buuhoodle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com