Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyanaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Salaadii Jimcaha ka dib waxa uu ku dhawaaqay in Maalinta Salaasada ah ee bishu tahay 11/01/2011 Dalka oo dhan laga tukandoono Salaad Roob-doon ah Saacadu markay Tahay 08:00 Am Subaxnimo.

Hargeisa
War-Saxaafadeed

Madaxweyanaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Salaadii Jimcaha ka dib waxa uu ku dhawaaqay in Maalinta Salaasada ah ee bishu tahay 11/01/2011 Dalka oo dhan laga tukandoono Salaad Roob-doon ah Saacadu markay Tahay 08:00 Am Subaxnimo.

Madaxweynuhu waxa uu Hadalkiisa ku bilaabay Marka Hore waxa aan Dadwaynaha Reer Somaliland meel ay joogaanba waxan u soo Gudbinayaa Salaanta Islaamka.

Maanta waxa aan halkanka ka soo Jeedinayaa Madaama aynu nahay Dad Muslim ah Dalkana ay ka jirto Biyo la’aan Baahsani Gaar ahaan Gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer meelo ka mida.

Maaha Marka la leeyahay Biyo La’aan ayaa taagan in ay jirto Abaari Laakiin waxa aynu ILLAAHAY ka baryeynaa in uu Biyo La’aantaa inaga Kor-qaado.

Dadka waxa aan u ugu Baqayaa Gaar ahaan Hay’adaha Madaxa Banaan Hadaanu Dawlad ahaan ay tahay in ay talaabo ka qaadi doonto Hawshaa oo ay Tabaruc ka Gelayso oo ay Dadaal Dheeraada ka gaysan donaan Biyana ay gaadhsiso Goboladaa Biyo La’aantu ka jirto, waxa kale oo aanu Amar siinay Hay’adaha Deeq Bixiyayaasha ah ee Halkaasi Jooga inay sida ugu Dhakhsaha Badan Gacan uga gaystaan oo ay Biyo ula Gaadhaan Dadka Biya la’aantu hayso, Waxa kale oo aanu Jecelnahay inay Dadka Bayac-mushtarka ah ee Reer Somaliland ay Dadkaa Gurmad Biyood la gaadhaan oo ay Gacan Muuqata ka gaystaan.

Intaa ka Dib Madaxweynuhu waxa uu Bulshada Ugu Bushaareeyey Arrintii ka Taagnayad Galbeedka Gaar ahaan Ceel-bardaale in la soo Af-jaray oo Nabad gelyo wanaagsan oo aad iyo aad looga hawl galay oo ay Shaqo Fiicani ka Dhacday Dadkii Walaalaha ahaa ee Halkaa wada Deganaa ee Shaqaaqada Mudada Dheer soo jiitamaysay ay Dhextaalay Dhibaatada iyo Is Af-garan waagu ka taagnaa in meel wanaagsan oo aad iyo aad u fiican laga gaadhay taasi oo ah mid ALLE loogu Mahadiyo mida kale ee aan Mahad naqa balaadhan uga Celinayo Labada beelood ee halkaa mudada badan isku hortaagnaa iyo intii ka Hawlgashay ee ka qayb gashay Shaqadaa ee isku day-day ama Ficil badan ka gaysatay wakhti badana ku bixiyey kuna Dhaliyey in ay Dadkaasi isu soo jiidaan isuna keenaan oo ay hawshaa wax ka qabtaan, Hawshaasina meel aad iyo aad u Wanaagsan ayey maraysaa markaa mahadnaq balaadhanna Dadkaa waan u soo jeedinayaa waxa aynu jecel nahay in aynu soo wada dhawayno oo aynu kuligeen hawsha meeshii ay inaga qabsato ee hawlahaasi inooga baahdaan aynu ka taageerno gacan-na ka gaysano wixii taabanaya Nabad gelyada Dalkeena Waxa aad ogtihiin in maanta meelo badan Cadaawadi inoo taalo oo Degmooyin badan Cadaw lagu yahay Jiritaankeena iyo Midnimadeena iyo Wada jirkeena in aynu noqono kuwa u gurmanaya inaga lafteenu oo aynu noqono kuwa Gacanta is qabsanaya.

Madaama aynu nahay Umad Muslin ah oo marka ay Biyo la’aan sidan oo kale ahi Dhacdo ee ay adkaato Waxa Rasuulkii Suubanaa SALALAAHU CALEEHI WASALAM (NNKH) uu tukan jiray Sallaada Roob-doonta Isaga oo ALLE SUBXAANA WA-TACAALA U BANDHIGAAYA Baahida ay Umadani u baahan tahay Naxariistiisa Sidaa Awgeed inaga oo Raacayna Sunaha Rasuulka Salalaahu Caleehi Wasalam waxa aan farayaa Dhamaan Umada Reer Somaliland inay ALLE ka Cabsadaan oo ay u Toobad kenaan oo ay isna Saamaxaan kana Qayb galaan Salaada Roob-doonta ah ee ka dhici Doonta Dhamaan gobolada iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland Maalinta Salaasada Bisha Safar na ay tahay 7/02/1432 ee ku began 11/01/2011 Saacadu markay Tahay Siddeeda Subaxnimo.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com