Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Barcelona: Man United Waa Ay Ka Quusatay Saxiixa Cesc Fabregas.

Agaasimaha Barcelona Andoni Zubizarreta ayaa sheegtay in Manchester United ay ka quusatay isku daygoodii ay ku doonayeen inay kula soo wareegaan ciyaaryahanka khadka dhexe Cesc Fabregas.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa isku dayaysay inay dalab seddexaad oo 40 milyan euro ah ka gudbiso ciyaaryahankii hore ee Arsenal.

Laakiin Barcelona ayaa ku adkeysaneysay in 26 jirkaan uusan iib ku aheyn qiimo kasta, United ayaana haatan u muuqata inay ugu danbeyn aqbashay sidaas.

“Waan ku xisaabtameynaa Cesc Fabregas, waan ku faraxsanahay inaan heysano.” ayuu Zubizarreta u sheegay Mundo Deportivo.

“[Manchester] United waxay sheegeen inay fahameen booska aan ka taaganahay arintaan, mana isku dayi doonaan inay soo dalbadaan mar kale.”

Arintaan ayaa soo baxeysa ka dib markii madaxweynaha kooxda Barcelona Sandro Rosell uu warqad u qoray United oo uu ugu sheegayo inay ka quustaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com