Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Cigaal Iyo Hamigiisii Ahaa Dal Dimuqraadi Ah Oo Afrika Laga Unko….Qaybtii 3aad…By BarkhadLadiif M.Cumar

Bal aynu yara eegno dood adag oo dhexmartay labadda dhinac ee danta qaranka isku hayey iyo sida uu Gees u dhigay ?Arrintu markay adkaatay waxa soo dhexgalay Golaha Guurtida, waxayna soo jeediyeen in la wadahadlo saddexda Gole oo Guurtidu dhexdhexaadin samaynayso, iyada oo fadhigii laga dhigay Madaxtooyada: toban xubnood oo Golaha Wakiilladu soo dirtay iyo Guddigii Wasiirrada ahaa oo aan ka mid ahaa ee u Cigaal hore u magcaabay iyo Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo xubno u Xaaji Cabdi Waraabe ka mid yahay?, waxa uu intaas ku daray ?

Dooddii waxa furay xubnihii ka socday Wakiillada oo Guurtidu u martiqaaday oo iskaga daba noqday gefka Dastuuriga ah ee ay Xukuumaddu u badheedhay. Xukuumadda xubnihii Wasiirrada ahaa iyana difaac ayey galeen. Shirguddoonkii Guurtida oo lagu yaqaanno weligeed inay xukuumadda iyo Madaxweynaha taageerto waxay xaajadii ku noqotay af-kala-qaad oo way ku dhici wayday inay sheegto halka eedo jirto.
Markii hadalkii la isku celceliyey oo Madaxweyne Cigaalna uu aamusan yahay, ayaan hadalkii u holaday oo aan hadlay. Waxa aan markaas ka madax ahaa Guddi soo diyaarinayaa wax-ka-beddelka Dastuurka ee xukuumaddu u gudbinayso Golayaasha intaan aftida loo bandigin Dastuurka. Nuqulka aanu gacanta ku haynay waxa la hordhigayey Golaha Wasiirrada oo ka doodayey, dabadeedtana ansixinayey intaan loo gudbin Golayaasha Baarlamanka.
Xog-ogaalnimadaa awgeed ayaan ku dhiiraday hadalkaygii oo aan idhi; ?Haddii aanu xukuumadda nahay waa ka noqonay qaladkii dhacay, waxa aanu ka codsanaynaa Golayaasha Baarlamanku inay wax nagala qabtaan wax-ka-beddelka Dastuurka ee aan soo gudbin doono Dadkii ayaa iswada eegay, Madaxweyne Cigaal yaa isaguna yaabay oo yidhi; War horta qalad maanaan samayn, hase yeeshee sidaas Gees sheegay waa ka noqonay arrintii. Dadkii ayaa neefi ka soo wada booday, khilaafkiina halkaas ayuu ku dhammaaday?.
Gees halkaasi waxa uu inooga iftiimiyey shakhsiyadda Cigaal iyo habkii uu u maamulayey qarakan, waxaynu ognahay Sida aynu ku naqaano habdhaqanka hogaamiye Afrikaan waxa uu doono uu meel marsado wuxuu doonana yeeli karo isagoo aan ixtiraameen xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaalla, haseyeshee Cigaal wuu ka duwanaa hogaamiyeyaasha Afrikaanka waxaana tusaale kugu filan in wasiirkiisii oo laga filayey in marwalba u hogaansanaado madaxweynihiisa uu ka hor yimid aragtidisii uu watay, madaxweynuhu ku taageeray xalka uu gaadhay wasiirkiisu, taasna waxa ku cadaynaysa inuu wasiirku marka horaba ogaa in aanu Cigaal la mid ahayn Afrikaanka kaligood taliye ee aan laga daba hadal, taasina ku dhiirisay inuu xaliyo labadda dhinac ee is hayey, isagoo waliba ku jiifsanay dhankii xukuumaddda ee uu k amidka ahaa. Haddiise uu Gees ogyahay inuu madxweynuhu jeclayn in aan khaladka loo sheegi Karin marka horaba kuma uu dhaceen kumana dhiiradeen inuu ku hadlo hadal aanu jeclaysanayn madaxweynuhu, laakiin waxa uu la soo shaqeeyey madaxweynaha waxaanu ku kalsoon yahay in haddii runta loo sheego dhibaato kala kulmi Karin ee uu noqonayo qof khaladkiisa qaata.
Wasiir Gees oo markii dambe qiimeeyey waxa ka soo yeedhay iyo cida uu hortiisa uu ka hadlaya ee uu khaladka ka saaraya inuu yahay madaxweyne xilka u dhiibay kana qaadi karo talaabaasdaasi uu sameeyeyna uu xilka ku waayo, inkastoo uu o gyahay in habdhaqanka Cigaal ahayn inuu dadka ka aargoosta oo uu jecel yahay dimuqradiyad hadana naftu way walaac badantahee waxaa uu u qaadan waayey inuu madaxweyne Cigaal waxba ka soo qaadi waayo khaladkii uu sameeyey, isago bal sharaxaya dareenka wakhtigaasi waxa uu yidhi ? Markii aan gurigii tegay ayaan isla yaab dhiiranantayda Madaxweynihii oo fadhiya oo aanan la tashan ayaan awooddiisii ku dhawaaqay, bal edeb-darradaa day iyo Madaxweyne Cigaal oo arrintii ka xanaaqin ee qaatay, saw wax lala yaabo ma ah. Xaggee ayey ka dhacdaa? Waxay ahayd sida Afrika iyo Soomaalida looga bartay inuu bartaas xilka igaga qaado baratakoolka aan jebiyey, balse waxa uu doorbiday in ay talo sax ah ahayd?ayuu yidhi isagoo sharaxaya sida dheerin ee uu ula hadlay madaxweynaha iyo sida aanu madxweynuhu colaad ugu qaadan, waxanu barbar dhigay sida ay u dhaqmaan madaxweyneyasha Afrikaanka.
Gees oo wali ka sii faaloonaya si ficana u qeexaya sida uu wasiiradda u kala suntanayeen Cigaal agtiisa iyo cida uu jeclaa inuu ilaaliyo iyo cida uu iska fogeyn jiray waxa uu yidhi ?Waxa kale oo iyana jirtay in Madaxweyne Cigaal oo aad isaga dhawri jiray Wasiirrada ka soo jeeda Beelaha Darafyada ee aan Isaaqa ahayn, kumana dheerayn jirin xil-ka-qaadidooda, balse waxa uu caydhsan jiray Wasiirrada Isaaq ah, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beeshiisa Habar/Awal. Halkaas waxa kaaga muuqanaysa falsafadiisa waxay ku dhisnayd. Fogaynta reerkiisa illeyn waa ay ku qasban yihiin inay u hiiliyaan mar kasta sida Xeerka Qabiilku dhigayo, soo-dhowaynta reeraha kale, gaar ahaan kuwa aan Isaaq ahayn iyo inuu sadbursiinyo u oggolaado.?
La soco?
Barkhad-ladiif M. Cumar
Email:barkhadladiif@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com