Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xiddigga khadka dhexe ee kooxda Lazio, Hernanes oo u dhashay dalka Barzil ayaa aad loola xiriirinayay toddobaadyadii u dambeeyay kooxaha AC Milan, Inter iyo PSG.

Xiddigga khadka dhexe ee kooxda Lazio, Hernanes oo u dhashay dalka Barzil ayaa aad loola xiriirinayay toddobaadyadii u dambeeyay kooxaha AC Milan, Inter iyo PSG.

Madaxweynaha Lazio, Claudio Lotito ayaa caddeeyay in aysan marnaba iibin doonin kubad-sameeyahooda reer Brazil.

Wuxuu sheegay in ay ka fikirayaan in ciyaaryahanka ay heshiiska u kordhiyaan maadaama qandaraaskii hadda uu ka harsan yahay kaliya laba sano.

“Ilaa hadda ma jirto koox noo soo garaacday albaabka oo dooneysa Hernanes, dareenkeenna maaha hadda in aan iska fasaxno Hernanes, waxeynu dooneynaa in aan xafidno” ayuu madaxweyne Lotito u sheegay Corriere dello Sport.

Wuxuu intaas ku daray, in ay qorsheynayaan inay la fariistaan ciyaaryahanka dhammaadka suuqa si ay uga wada hadlaan heshiis-kordhin, isagoo qiray in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo ciyaaryahankiisa.

Hernanes ayaa Lazio kula guuleystay xilligii dhammaaday Coppa Italia, isagoo hadda u diyaar garoobaya Supercoppa Italia oo ay la ciyaarayaan kooxda heysata horyaalka ee Juventus.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com