Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Weeraryahanka Faransiiska Karim Benzema ayaa la hadlay website-ka Adidas, iyadoo Real Madrid ay booqasho ku joogto USA, waxaana uu sheegay in mid ka mid ah hamigiisa inuu yahay inuu ku guuleysto Ballon d’Or.

(maantasomaliland) Weeraryahanka Faransiiska Karim Benzema ayaa la hadlay website-ka Adidas, iyadoo Real Madrid ay booqasho ku joogto USA, waxaana uu sheegay in mid ka mid ah hamigiisa inuu yahay inuu ku guuleysto Ballon d’Or.

Isagoo ka hadlayay hamiga kooxda ee xilli ciyaareedkan waxa uu yiri: ” Waxaan u baahanahay inaan diirada saarno xaqiiqda ah inaan nahay koox weyn iyo inaan halkaan u joogno inaan koobab ku guuleysano.”

Isagoo ka hadlayay Zidane waxa uu yiri: “Waxa uu ahaa qof aan ku daydo tan iyo markii aan yaraa. Waxa uu ahaa ciyaaryahan weyn. Wax weyn ayayna u tahay kooxda in qof isaga oo kale ah uu kursiga keydka inoo fadhiyo. Waxa ay isku dhow yihiin ciyaartoyda, waxaana uu leeyahay qibrad aad u badan.

Soo koob afartaadii sanno ee kooxda: “Real Madrid waa kooxda ugu fiican adduunka. Waxaan halkaan u imid inaan shaqeeyo, waana ku faraxsanahay halkaan. Waxaan ahay qof ku noolaanaya riyadiisa.”

Goolkaagii kuugu fiicnaa intii aad Madrid joogtay: “Aniga ahaan gool walba waa muhim, sidaasi darteed ma jirto mid aan soo qaban karo. Mid ka mid ah goolasheydii iigu fiicnaa waa goolkii aan ka dhaliyay Ajax laakiin gool kasta waa muhim.”

Waa kuma ciyaaryahanka ugu wanaagsan adduunka: “Waxaa jira ciyaartoy badan… haatan ma magacaabi karo kaliya hal, laakiin waxaan ogahay inaan u ciyaarayo kooxda adduunka ugu fiican iyo inaan la ciyaarayo ciyaartoyda adduunka ugu fiican. Dhanka daafaca waxaan heysanaa ciyaartoy badan oo fiican, waxaana soo wajahay daafacyo fiican laakiin daafaca ugu fiican waa Ramos.”

Ballon d’Or: “Maskaxda ayay iigaga jirtaa. Waxaan maalin walba u shaqeeyaa anigoo haminaya inaan ku guuleysto.”

Sir aan lagaa ogeyn oo qolka labiska ah: ” Saaxiibkeyga iigu fiican waa Varane. Ciyaartoyda oo dhan si fiican ayaa isku fahamnaa, laakiin Varane waa ay ii sahlan tahay sababtoo ah waxa uu ku hadlaa af faransiis.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com