Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qoraaga Weyn ee Boobe Yuusuf Ducaale oo aan bishii Feberweri/2012ka wax ka weydiiyay sifaha iyo sawraca uu ku yaqaanno Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ka mid noqda dhigaha SAMO-TALIS ayaa si milge iyo maamuus leh uga warbixiyay tilmaahaha odayga ugu da’da weyn Somaliland. Qoraalka Boobe Yuusuf Ducaale ayaa u dhignaa sidan:

(maantasomaliland):-Qoraaga Weyn ee Boobe Yuusuf Ducaale oo aan bishii Feberweri/2012ka wax ka weydiiyay sifaha iyo sawraca uu ku yaqaanno Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ka mid noqda dhigaha SAMO-TALIS ayaa si milge iyo maamuus leh uga warbixiyay tilmaahaha odayga ugu da’da weyn Somaliland. Qoraalka Boobe Yuusuf Ducaale ayaa u dhignaa sidan:

“Cabdi-waraabe…… Xaaji Cabdi…..Xaaji Cabdikariin……Magacyadaas oo dhan ayaan u aqaannaa. Markii maqalkiisa iigu horreysay waxaan u maqlay Cabdi-waraabe. Berigaa iigu horreysay ee aan magacaa Cabdi-waraabe maqlayo, waxa ku lammaanaan jiray magac kale oo aan da’ iyo hayb ahaanba uga fogeyn oo ay inta badan wada socon jireen oo la odhan jiray Cali-waraabe. Waa siddeetannadii Qarnigii hore. Ma garanayo Cali-waraabe meel uu ku danbeeyay, bal se xilliyadaa magaca Cabdi-waraabe iigu horreysay waa uu ku lammaanaan jiray. Beryahaa aan Cabdi-waraabe magaciisa maqlayo waxaan deggenaan jiray magaalada Muqdisho oo aan ka shaqayn jiray xaruntii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Waxaan aad xogogaal ugu ahaa wixii dalka ka socday, gaar ahaan dhinaca siyaasadda. Waxaan aad u danayn jiray waxyaabihii ka socday gobolladii woqooyiga gaar ahaan tacaddigii iyo cadaadiskii dadkii gobolladaa degganaa kaga iman jiray nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre.

Si aanu xog dheeraad ah u hello, waxaanu ku xidhnayn madaxdii dalka markaa ka talinaysay qaarkood oo aanu u san-bannaanayn, qaarkoodna aanu si dadban oo laba-shub, saddex-shub ama dhowr-shubba ah dareennadooda u heli jirnay oo uu ku jiray ninkii ba’naa ee dalka ka talin jiray ee Maxamed Siyaad Barre. Madaxdii aanu inta badan la xidhiidhi jirnay ee aanu la qadayn jirnay lana fadhiisan jirnay waxa ka mid ahaa Ismaaciil Cali Abokor oo ahaan jiray Madaxweyne-ku-xigeen, Kaaliyaha Xoghaya Guud ee XHKS isla markaana ka mid ahaa Guddidii Siyaasadda ee XHKS. Guriga Ummadda ayaanu Ismaaciil Cali Abokor ka wada hawl-geli jirnay oo mararka qaarkood xafiiskana waanu ku kulmi jirnay. Bishii Juulay 1976kii oo la aasaasay XHKS, mar uu xanuunsaday isaga oo Shirweynihii Aasaaska Xisbigii Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed dhex fadhiya oo cisbitaalka Madiina ee Booliska la dhigay ayaan halkaa ku booqan jiray, wargeysyana ugu geyn jiray. Run ahaantii laga bilaabo xilligaas iyo intii ka danbaysayba waanu is-aamminnay oo nidaamkii Siyaad Barre waanu wada xaman jirnay, wararka, macluumaadka iyo dhagartii dalka ka socotayna waanu is-dhaafsan jirnay.

Madaxdii kale ee aanu sida joogtada ah u kala war-qaadan jirnay waxa ka mid ahaa: Cismaan Jaamac Cali oo Wasiirka Kalluumaysiga ahaa, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Hoggaanka Ganacsiga ee XHKS ahaa iyo Axmed Maxamuud Faarax (Lax-was) oo Hoggaanka Arrimaha Bulshada ee XHKS ahaa isaguna. Guryaha Cismaan Jaamac Cali iyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isu dhawaa waxa u dhexeeyay Gurigii Muuse Rabbiile Good oo isaguna ahaan jiray wasiirka Caafimaadka oo aan kolleyba anigu sii mari jiray marka aan labadaa guri u kala gudbayo. Qoys ahaanna wax baanu wadaagnay, mararka qaarkoodna tabashada dalka taalla, gaar ahaan woqooyiga waanu ka wada sheekaysan jirnay.

Aniga oo sheeko dheeraan lahayd idiin soo gaabinaya, waxa gogol-xaadhkan igu kallifay oo iila galay sidii iyo waxyaabihii aan ku bartay Xaaji Cabdi-waraabe oo aan beryahaa u aqaannay ama loogu yeedhi jiray Cabdi-waraabe. Halgankii dibuxoreynta qaran hadba heer ayuu taagnaa…..hadba marxalad ayuu joogay……hadba qaab iyo muuqaal ayuu lahaa……hadba xeelad iyo istaraatejiyad ayuu lahaa…..hadba qaybo dadka ka mid ah ayaa ka adeegi jiray…..hadba si ayaa loo dhigi jiray…..hadba si ayaa loo sabaalayn jiray…..hadba si ayaa loo gaal-gaali jiray…..hadba si ayaa loogu gurguuran jiray……hadba si ayaa loogu xiddigin jiray oo xidaar guun ah iyo Xeydho-dayeba loogu dooni jiray.

Nimankan aan idiin sheegayo ayaa waxa la fadhiisan jiray odayaasha hadba ka yimaadda gobolladii woqooyiga gaar ahaan Hargeysa. Inta badan waxa ay ku soo degi jireen hudheelkii Siinay ee Xaaji Cabdi Jaamac Xeyd. Waxa halkaa isaguna ku yaallay oo ka soo hor jeeday hudheel hilibka lagu kariyo oo uu lahaan jiray nin Cabdi-dheere la odhan jiray. Hilib aan waslado ahaan jirin bal se waaxyo ahaa, oo Muqdishoba ku cusbaa.

Inta badan waxa Hargeysa ka iman odayaal door ah oo soo qaadi jiray tabashooyinka iyo cabashooyinka dadweynaha oo inta badan ka dhalan jiray cadaawaddii, nacaybkii iyo boobkii ay ku kici jireen madax-ku-sheeggii gobollada woqooyi loo soo beddeli jiray. Sawirrada ugu fiicnaa ee boobkaa laga bixiyay waxa ka mid ahaa mid uu curiyay nin Cawaale la odhan jiray oo reer Boorame ahaa oo nimankaa ku tilmaamay in ay soo tosheen kiish afkiisu Boorame yaal, dabadiisuna Kismaayo taal. Bal yaa buuxin karaya! Bal adba.

Odayaasha kal-soo-baxa ahaa ee Muqdisho iman jiray waa ay badnaayeen, waxaanan ka sii xusuustaa: Suldaan Cabdiraxmaan, Cabdi-waraabe, Cali waraabe, Xaruur iyo qaar kale oo badnaa. Madashaa aan ka soo sheekeeyay iyo madal kale oo labaad ayaan Cabdi-waraabe ku bartay ama markii iigu horreysay ku maqlayba.

Madasha labaadna waxay ahayd mid taa hore la mid ah, bal se Hargeysa ku taallay oo ahayd goobihii ay odayaasha oo dadweynaha masilayaa kula kulmi jireen madax-ku-sheeggii nidaamkii Siyaad Barre. Madaxdaasi laba ayay ahayd: mid mar mar Muqdisho ka iman jirtay oo Maxamed Siyaad Barre madaxa hayay iyo mararka qaarkood tu heer gobol ah.

Xaaji Cabdikariin waxa uu dhashay ku-sinnaan 1905tii. Mar la weydiiyay markii uu xilka caaqilnimada qabtay wuxu ku jawaabay in ay ahayd 1940kii. Su’aasha labaad ee la weydiiyayna waxa ay ahayd da’ada uu xilligaa jiray, waxaanu sheegay in uu markaa 35 jir ahaa. Sidaas ayaa dhalashadiisii loogu suuraynayaa 1905kii. Tan iyo maalmahaa ayuu Cabdi-waraabe soo taagnaa isaga oo dareensanaa kana fal-celinayay wixii dhacayay ee dal iyo dadba soo maray.

Cabdi-waraabe waxyaabaha ugu mudan uguna badan ee lagu jecel yahay waxa ka mid ah hadal-caddaanta iyo hal-adaygga. Marka uu hadlayo si qurux badan oo aan turxaan iyo tummaati midnaba lahayn ayuu u hadlaa. Hawraarta iyo tiraabta Cabdi-waraabe waa mid hodan ah oo murti, maad iyo mahadhooyin kaleba leh. Cabdi-waraabe ma hadlo oo keliya, bal se waa hadal miisaaman oo taariikhaysan. Waa hadal milgo iyo maamuusba huwan. Waa hadal ku marriiman murtida iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waa hadal hillaaban masalooyin dhacay iyo wixii maah-maah laga yidhi. Waa hadal nin weyn oo waayo-arag ah oo intaas oo goobood u soo taagnaa si xisaabtan iyo xishmadba leh uga soo baxay. Waa hadal hadalkii. Waa hadal hana-qaad ah oo hillaaban wixii Soomaali hidde iyo dhaqan u lahayd.

Dhacdo kasta, taariikh kasta, goob kasta, arrin kasta iyo wax kasta oo uu ka hadlayaba wuxu raacinayaa oo ku ladhayaa wixii raad iyo tix-raacba looga baahnaa. Marka uu hadlayo waxa hadlaya soo-jireen cimriyay oo xiskiisa iyo xusuustiisuba dhan yihiin. Waxyaabaha kale ee uu ku fiican yahay waxa ka mid ah xusuustiisa fiican iyo jidhkiisa weli caafimaadka qaba oo aan ku iman dhayal iyo ciyaar.

Cabdi-waraabe dhaqan ahaan ma quuto cuntooyinka dibadaha laga keeno, bal se wuxu ku nool yahay waxyaabaha dalka ka baxa. Qaadka iyo sigaarka midna ma yaqaanno oo isaga oo intaa dalka ku noolaa oo agtiisa qaad iyo sigaarba lala fadhiyay ayaanu isku deyin ee ka adkaystay. Halkaana nin keni-adayg iyo hal-adaygba sheegtay ku dheh.

Xaaji Cabdi-waraabe waa taallo iyo tilmaan u taagan dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed. Waa diiwaan laga dheehan karo tagtadii, taallada iyo timaaddada Soomaliland iyo guud ahaan Soomaaliyeedba. Waa soo-jireen soo tamarinayay yan iyo 1905kii oo ilaa maalintii uu gaashaan-qaadka noqday talinayay”.

7.22 C/Raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland. Qoraa iyo Aqoonyahan Waayo-arag ah

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com