Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mudaneyaashii Mooshinka Watay Oo Ka Waramay Kulan caawa Ay La Yeesheen Madaxweyne Siilaanyo arimo dhawr ah

Mudaneyaashii Mooshinka Watay Oo Ka Waramay Kulan caawa Ay La Yeesheen Madaxweyne Siilaanyo arimo dhawr ah
Hargeysa Mudaneyaashii watay mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Wakiilada ee dhawaan codsaday in dib loo dhigo mooshinkoodii, ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay Hutelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Halkaasi oo ay sheegeen inay kaga tashanayaan codsi uu Madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyay ka dib markii uu xalay kulan la yeeshay 13 Mudane oo ka mid ah kooxdan. Mudaneyaashan ayaa kulankoodaasi oo qado iyo fadhi qayilaad ah iskugu jiray furitaankiisii Saxaafada uga waramay nuxurka kulankoodan iyo shir ay xalay la yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Siciid Cilmi Rooble oo ku hadlayay magaca kooxdan Mooshinka wadatay oo ka hadlay kulankaasi wuxuu yidhi “Halkan waxaad ku aragtaan Mudaneyaashii Golaha Wakiiladda waa qoorweyntii waa sawirkii golaha wakiilada haddii aad tihiin shacbigii mudaneyaashan oo gobol kasta ka soo jeeda, oo xisbi kastana ka soo jeeda iyagoo midaysan. Waa goleweynihii waxa naga maqan dhawr qof. Afartameeye Mudane ayaanu nahay tirada xidhan ee aanu sheegaynaa waa 47 Xildhibaan marka laga reebo rag aanu hoosta iska ognahay. Waxa weeye run ahaan halkan maanta anagaa isku waraysanayna oo shir gaar ah ayaanu leenahay waxaanu doonaynaa in dadweynaha iyo saxaafaddu ogaadaan dhinaca uu Goluhu jiro. Xalay Madaxweynaha 13 Xildhibaan oo aanu dirnay way is arkeen. Si wanaagsan ayaa loo garnaqsaday. Hadal qurux badan baa la is yidhi dabeed codsi baa jira Madaxweynuhu soo gudbiyay fadhigayagani wuxuu ku saabsan yahay oo aanu ka wada hadlaynaa codsigaasi Madaxweynaha.” Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay dad baa is weydiinaya Xildhibaanadani waxan ay wadaan waa maxay? Su’aashaasi ayaan doonayaa inaan ka shaafiyo. Golahani waa Golihii Wakiilada wax dhibaato ah oo uu wadaa ma jirto. Waxa kaliya ee aanu ku midaysan nahay waa inaanu golahayaga hagaajisano. Wixii shantii sano ee la soo dhaafay naga baqdayna aanu dhamaystirano. Haddii ay sharci tahay iyo murankii dastuurka ka jiri jiray ee mudadda badan la isku haystay waxaanu doonaynaa oo aanu go’aansanay oo naga axdi ah inaanu labadaasi sanadood u shaqayno ummaddii nasoo dooratay. Dhaxal iyo taariikh wanaagsanna ka tango ayay ujeedada aanu iskugu nimid tahay. Niman xukuumad ku socda ma nihin, niman cid ridaaya ma nihin. Niman dhaartay ayaanu nahaye’e dhaartayadii inaanu fulino ayaanu iskugu nimid.” Md. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka hadlay kulankaasi wuxuu yidhi “u malayn maayo Golaha shacbiga Somaliland metalaya ee halkan iskugu yimid waxa weeye aayo ka tallin, dalkan iyo dadkan wax anfaca inaanu samayno ayay ujeedadayadu tahay. Waxaan aad u rajaynayaa fahamkaasi Madaxweynaha na dhex maray inuu socon doono, waayo Aniga oo raga Golaha ugu da’da yar ku jira waxaan ogolahay oo raali ku ahay inuu madaxweynuhu taariikh sameeyo, oo hagar daamo iyo turun-turo midna loo yeelin. Isna waxaan ka doonayaa dadka mustaqbalka sugaya ayaan ka mid ahay oo aan hormuud u ahay waxa mustaqabalkayaga lugta ku walaaqaya inaanaan ogolaan. Taasna inaanu isla soo waafaqayno ayay u eg tahay. Shacbiga waxaan ugu bushaaraynayaa wax idinka farxiya mooyaane’e wax idinka nixiya oo golahaasi maanta u midaysan yahay ma jiro. Waxaanu u midaysan nahay inaanu is hagaajino shirgudoonkayaga waanu hagaajinaynaa. Ma tuurayno cadaawadna uma qabno. Anagaa dooranay anagaanay noo taallaa waxaanu ka yeelanaynaa. Golahan oo la hagaajiyana waxa macnaheedu tahay in wadanka oo dhami uu hagaago.” Md. Axmed Yaasiin wuxuu ku dooday in Golahaasi uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu jiheeyo siyaasada dalka ee dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasada, waxase uu ku adkaystay in waajibaadkaasi golaha kaga baaqday kala qeybsanaantii dhexdooda ka jiri jirtay.. Mooshinka Watay Oo Ka Waramay Kulan Ay La Yeesheen Madaxweyne Siilaanyo Hargeysa Mudaneyaashii watay mooshinkii wax ka bedelka xeer hoosaadka Golaha Wakiilada ee dhawaan codsaday in dib loo dhigo mooshinkoodii, ayaa maanta kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay Hutelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. Halkaasi oo ay sheegeen inay kaga tashanayaan codsi uu Madaxweyne Siilaanyo u soo gudbiyay ka dib markii uu xalay kulan la yeeshay 13 Mudane oo ka mid ah kooxdan. Mudaneyaashan ayaa kulankoodaasi oo qado iyo fadhi qayilaad ah iskugu jiray furitaankiisii Saxaafada uga waramay nuxurka kulankoodan iyo shir ay xalay la yeesheen Madaxweyne Axmed Siilaanyo. Siciid Cilmi Rooble oo ku hadlayay magaca kooxdan Mooshinka wadatay oo ka hadlay kulankaasi wuxuu yidhi “Halkan waxaad ku aragtaan Mudaneyaashii Golaha Wakiiladda waa qoorweyntii waa sawirkii golaha wakiilada haddii aad tihiin shacbigii mudaneyaashan oo gobol kasta ka soo jeeda, oo xisbi kastana ka soo jeeda iyagoo midaysan. Waa goleweynihii waxa naga maqan dhawr qof. Afartameeye Mudane ayaanu nahay tirada xidhan ee aanu sheegaynaa waa 47 Xildhibaan marka laga reebo rag aanu hoosta iska ognahay. Waxa weeye run ahaan halkan maanta anagaa isku waraysanayna oo shir gaar ah ayaanu leenahay waxaanu doonaynaa in dadweynaha iyo saxaafaddu ogaadaan dhinaca uu Goluhu jiro. Xalay Madaxweynaha 13 Xildhibaan oo aanu dirnay way is arkeen. Si wanaagsan ayaa loo garnaqsaday. Hadal qurux badan baa la is yidhi dabeed codsi baa jira Madaxweynuhu soo gudbiyay fadhigayagani wuxuu ku saabsan yahay oo aanu ka wada hadlaynaa codsigaasi Madaxweynaha.” Xildhibaanku isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay dad baa is weydiinaya Xildhibaanadani waxan ay wadaan waa maxay? Su’aashaasi ayaan doonayaa inaan ka shaafiyo. Golahani waa Golihii Wakiilada wax dhibaato ah oo uu wadaa ma jirto. Waxa kaliya ee aanu ku midaysan nahay waa inaanu golahayaga hagaajisano. Wixii shantii sano ee la soo dhaafay naga baqdayna aanu dhamaystirano. Haddii ay sharci tahay iyo murankii dastuurka ka jiri jiray ee mudadda badan la isku haystay waxaanu doonaynaa oo aanu go’aansanay oo naga axdi ah inaanu labadaasi sanadood u shaqayno ummaddii nasoo dooratay. Dhaxal iyo taariikh wanaagsanna ka tango ayay ujeedada aanu iskugu nimid tahay. Niman xukuumad ku socda ma nihin, niman cid ridaaya ma nihin. Niman dhaartay ayaanu nahaye’e dhaartayadii inaanu fulino ayaanu iskugu nimid.” Md. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka hadlay kulankaasi wuxuu yidhi “u malayn maayo Golaha shacbiga Somaliland metalaya ee halkan iskugu yimid waxa weeye aayo ka tallin, dalkan iyo dadkan wax anfaca inaanu samayno ayay ujeedadayadu tahay. Waxaan aad u rajaynayaa fahamkaasi Madaxweynaha na dhex maray inuu socon doono, waayo Aniga oo raga Golaha ugu da’da yar ku jira waxaan ogolahay oo raali ku ahay inuu madaxweynuhu taariikh sameeyo, oo hagar daamo iyo turun-turo midna loo yeelin. Isna waxaan ka doonayaa dadka mustaqbalka sugaya ayaan ka mid ahay oo aan hormuud u ahay waxa mustaqabalkayaga lugta ku walaaqaya inaanaan ogolaan. Taasna inaanu isla soo waafaqayno ayay u eg tahay. Shacbiga waxaan ugu bushaaraynayaa wax idinka farxiya mooyaane’e wax idinka nixiya oo golahaasi maanta u midaysan yahay ma jiro. Waxaanu u midaysan nahay inaanu is hagaajino shirgudoonkayaga waanu hagaajinaynaa. Ma tuurayno cadaawadna uma qabno. Anagaa dooranay anagaanay noo taallaa waxaanu ka yeelanaynaa. Golahan oo la hagaajiyana waxa macnaheedu tahay in wadanka oo dhami uu hagaago.” Md. Axmed Yaasiin wuxuu ku dooday in Golahaasi uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu jiheeyo siyaasada dalka ee dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo siyaasada, waxase uu ku adkaystay in waajibaadkaasi golaha kaga baaqday kala qeybsanaantii dhexdooda ka jiri jirtay.
Xuseen xarbi hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com