Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ardayad Jaamacadda Gollis Laba buug ku soo bandhigtay iyo Jaamacadda oo Caafimaadka Qaybo cusub ku soo kordhinaysa.

n3(maantasomaliland):-xaflad balaadhan oo ay kasoo qayb galeen Ardayda iyo Macalimiinta jaamacadda Gollis iyo martisharaf kale oo tirobadan ayaa xalay lagu qabtay Hoolka jaamacadda Gollis ee Multipurpose Hull.
Xafladaasi oo ahayd mid lagu soo bandhigaayey laba buug oo ay qortay Eng:Niciima Faysal Maxamuud oo kamida ardayda kuuliyada Engineering-ka ee sannadkan ka qalin jebinaysa jaamacadda Gollis .
Labadaasi buug ayaa ah kuwo ka kala hadlaaya Nolosha iyo imtixaankeeda iyo mid ka sheekaynaaya qisooyin googoosah.
Waxaana xafladaasi kasoo qayb galay martisharaf uu kamid ahaa guddoomiyaha jaamacaddaha Gollis Dr Siciid Axmed Xassan iyo Axmed Daahir Cilmi oo kamida qaban qaabiyeyaasha labreeriga Somaliland National Labrary oo la filaayo in dhowaan Hargeysa laga dhiso iyo maamulka iyo macalimiinta kala duwan ee Jaamacadda Gollis.
Ugu horeyna waxa halkaasi ka hadlay Hormuud-ka kuuliyadda Engineering-ka Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo ku amaanay qoraagaasi soo bandhigtay bugaagtaasi Eng:Niciima dedaalka ay samaysay isaga oo ka sheekeeyey mudadii uu wax soo baray iyo akhlaaqdeedii wanaagsanayd ee ay lahayd .
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Axmed DaahirCilmi oo ah mid kamida hormuudka qaybta weyn kaga jira dhismaha Labreeriga Qaranka Somaliland ee dhowaan laga unkidoono magaalada Hargeysa ,isaga oo sheegay inuu rajeynaayo in buugaag badan lagu soo bandhigo ,qoraayo badanina soo baxaan marka la dhiso labreeriga hadda bilawgiisa la wado oo uu sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo siiyey dhulkii laga dhisi lahaa lana bilaabi doono ururinta lacagtii lagu dhisi lahaa labrery-gaasi ,waxaanu sheegay inay dadka dibaduhu diyaar yihiin loona baahan yahay sidii ay ardayda iyo dadka gudaha ku nooli uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha labreerigaasi Qaran .
Guddoomiyaha Classka ay ka tirsanayd ardayadaasi soo bandhigtay labadaasi buug ee Civil Engineering-ka Ayaanle Cali Cismaan ayaa isna halkaasi ka hadlay isaga oo sheegay inay tahay inay ardayadanNiciimi mid lagu dayan karo oo mudan in lagu daydo ,isaga oo halkaasi uga mahadnaqay cidkasta oo xafladan kala soo qaybgashay.
Waxaanu sheegay in marka wax la baranaayo ay tahay in cid tusaale loo soo qaato laguna daydo ,taasina ay keenayso in qofkastaa uu meel hiigsado.
Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay qoraaga buugtaasi Eng:Niciima Faysal Maxamuud oo ka sheekaysay waxyaalaha ku kalifay inay qorto labadan buug oo ay ugu magacdartay (Noloshu Waa Imtixaan iyo Qisooyin goosgoosa),waxa kale oo ay halkaasi ku soo qaadatay gabayo kamid ahaa buuggaagtaasi,iyada oo tilmaantay inay waxyaalaha buuggtani ku qorani yihiin waxyaalo ay iyadu qortay ee aanay cidna kasoo qaadan.
Isna waxa halkaas ka hadlay Cabdicasiis Qabile oo ah hormuudka kuuliyada IT-ga oo sheegay inuu markasta ardayda ku dhiirigeliyo kuna dhiirigelinaayo inay wax qoraan oo sameeyaan wax cusub iyo dedaal badana.
Waxa xafladaasi soo geba gebeeyey guddoomiyaha Jaamacaddaha Gollis Dr Siciid Axmed Xasan oo ka waramay sida uu u dhirigelinaayo in la sameeyo qoraalada la samaynaayo oo uu sheegay inuu qayb ka qaadan doono Labrary-ga la dhisi doonaa qoraalada iyo akhriskaba, oo ay iyaguna qayb weyn ka qaadan doonaan Gollis ahaan.
Waxa kale oo uu ardayda ku dhiirigeliyey inay wax akhris badan sameeyaan si ay u noqdaan dad wax qora,taasina ugu fududaato.
Mar uu ka hadlaayey jaamacadda Gollis iyo dedaaladay wado waxa uu sheegay inay dhowaan soo kordhin doonaan macalimiin dhanka Ingiriisida ah oo ay ardaydu ka faa’idaysan doonaan fursadaasi, isaga oo sheegay inay macalimiintaasi iyo ardaydaasi afar iyo labaatanka saac ba kuwada hadli doonaan luuqadaIngiriisida oo awood badan ay jaamacaddu saari doonto.
Isaga oo Guddoomiyaha Jaamacaddaha Gollis ka hadlaayey Safar uu dhowaan ku tegay dalkaasi Hindiya waxa uu sheegay inuu heshiisyo lasoo sameeyey jaamacaddo cusub oo xidhiidh la yeelan doona jaamacadda Gollis,isaga oo sheegay inay furi doonaan dhakhtar ay jaamacaddu yeelan doonto oo la keeni doono macalimiin ajaanib ah oo dalka sidoo kale ka fulin doona qaliino kala duwan oo hore loogu tegi jiray dibaddaha.
Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu sheegay in ardayda jaamacadda ee Caafimaadku sannad Baraktikal ah kusoo qaadan doonaan dalka dibadiisa, gaar ahaana dalkaasi Hindiya,halkaas oo ay ka qaadan doonaan shahaadooyin caalami ah .
Waxaanu sheegay inay ku hawl jiraan sidii ay uga midho dhalin la haayeen hadafka jaamacadda oo ah inay noqoto jaamacadda ugu wanaagsan geeska Afrika sannadka 2015 lana tartanta jaamacaddaha dalalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia iyo Kenya.
Ugu dambayna waxa halkaas shahaado sharafyo lagu guddoonsiiyey maamulka jaamacadda iyo cidkasta oo gacan ka geysatay hirgelinta soo saarista buugaagtaasi.

Maxamed Axmed Yuusuf (F1)

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com