Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Aqoonsiga Somaaliland Waa Xil Ku Waajibay Ethiopia (Qaybtii 10-aad)

Xassan Cumar Horri(maantasomaliland):-Muddo labaatan sannadood ah, Somaaliland waxaa ay isku maamulaysay sabaalo, rajo-gelin iyo dulqaad. Geed sare iyo geed gaaban waxay u kortay sidii loo xaqiijin lahaa hiigsiga shacabka oo ku suntan aftidii qaran taas oo 97% u codeeyeen la soo noqoshada madax-bannaanidii marin habowday 1dii July 1960.

Dalku waxaa uu ku caano-maalay nabad iyo deris wanaag ay ku naaloodaan derisku. Allah mahaddii, waxaa uu ka koray fal-xumooyinka argagaxiso, budhcad-badeed iyo colaad sokeeye (deris). Ka sokow in ay nabaddu dan u tahay cid kasta, deriskeenna waxaa ay ahayd inay mahadiyaan kana abaal celiyaan inay nabad ku ledeen soohdinteenna. Haddaba, is-weydiintu waxaa ay tahay sidee bay ku sugnaan lahaayeen derisku haddii aanay ahayn nabadda, maamulka iyo kala-danbaynta ka jirta dalkeenna?

Bal waxaad malaysaa duruufaha deriskeenna haddii Al Shabaab ay ka talin lahaayeen Somaaliland? Malay haddii budhcad-badeeed isaga dab qaadi lahaayeen xeebaheenna dheraran 850 kilometer? Sidee xaal noqon lahaa haddii xuduudeennu ay fadhiisin u noqoto jabhadaha hubaysan ee deriska? Waxaad is weydiisaa dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee Berbera haddii uu shisheeye u adeegsado colaad ku wajihan deriska?

Haddii, haddii iyo haddiiyo ka sii badan waxay muujinayaan khatarta ka iman karta, heer gobol iyo mid caalami, haddii la waayo kaalinta Somaaliland ay kaga jirto nabadaynta iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan dunida. Hase ahaatee, bulshada caalamka iyo dalalka derisku waxaa ay abaal innoga dhigeen duudsi iyo inay dhegaha ka furaystaan runta iyo aqoonsiga aan xaqa u leenahay.

Budhcad-badeedda
Tan iyo 2005 waxaa xeebaha Somaaliya lagu weeraray 1,068 markab iyadoo laga qafaashay 218 markab iyo kumanyaal rakaab ah. Xogaha rasmiga ah waxaa ay tibaaxeen, 2008-2012, budhcaddu in ay qabsadeen 178 markab iyo 3365 qof. Inkasta oo ay hoos u dhaceen weeraradu, haddana April 2012 warbixin Telifishanka CNN uu ka soo xigtay Baanka Adduunka (WB) waxaa lagu sheegay, sannad kasta, US$18 bilyan inay ku baxdo budhcadda Somaalida. (halka ka akhri). Kharashku waxaa uu ku baxaa caymiska, ilaalada badaha iyo madax-furashada gaadiidka badda iyo dadka.

Sannad kasta, 21,000 markab ayaa ka tallaaba xeebaha Somaalida. Haddii laga soo wareego Gacanka (Cape of Good Hope), Koonfur Afrika, waxaa ku kordhaya masaafad ka badan 3,500. Hadda, markab kasta oo ka gudbaya badaha Somaalida waxaa, halkii safar, lagu caymiyaa US$20,000 (labaatan kun). Caymisku hore waxaa uu ahaa $500 (shan boqol). Waxaa kaloo khasab noqotay in ay maraakiibtu samaystaan ciidamo joogto ku ahaada korkooda. Si loo badbaadiyo ganacsiga waxaa badaha Somaalida ku sugan ciidamo heer caalami ah. Adeegsiga hal markab dagaal oo kooban (frigate) waxaa bil kasta ku baxda US$1.3 malyuun, halka raxan maraakiib ah iyaduna ay ku kacdo $200-350 malyuun, sannadkiiba.

Ciidamada Nabad Ilaalinta Somaaliya
Tan iyo 1991 adduunku waxaa uu ku fashilmay dedaalo fara badan oo loogu jiray in Somaaliya lagu soo dabbaalo nabad iyo kala-danbayn. Waxaa guul-darraystay faro-gelintii tobonaan kun, ciidamo shisheeye ah sida UNITAF oo uu horseed ka ahaa Maraykanku. Waxaa kaloo lagu hungoobay ciidamadii Qaramada Midoobay ee UNOSOM 1992, iyo UNOSOM II 1993. Ilaa haddana lama sii odorisi karo halka ay ku danbayn doonaan ciidamada AMISOM ee ku fooggan la dagaalanka Al-Shabaab iyo inay lugaha u taagaan xukuumadda federaalka. Weli waxaa socda weerar iyo warcelin iyadoo uu dalka ku sugan yahiin 17,731 ciidan ah oo ka soo kala jeeda dalalka Ethiopia, Kenya, Uganda, Rwanada iyo Senegal. Hawlgalka AMISOM waxaa sannad kasta ku baxa ilaa US$500 malyuun.

Faro-gelinta Ethiopia
Iyada oo ka welwel qabta falalka xag-jirnimo iyo colaad kaga soo faruuranta xuduudaha, Ethiopia marna faraha kala ma ay bixin Somaaliya. 2006 waxay taageero dhaqaale iyo mid siyaasad ka heshay Maraykan tasoo suur-gelisay inuu ciidankeedu galo gudaha Somaaliya si loo hakiyo maamulka Maxkamadaha ee sii fidayay iyo in la kaalmeeyo dawladdii ku meel gaadhka ahayd. Lama hayo tirada ciidanka Ethiopia ee soo faro-geliyay Somaaliya 2006-2008. Waxaase lagu qiyaasay in ay u dhexayso 30,000-40,000. Ethiopia marna ma ay shaacin khasaaraha ka soo gaadhay dagaaladii qadhaadhaa. Hase yeeshee, hay’adda Elman ee nabadda iyo xuquuqda aadami waxaa ay faafisay inay Somaalida kaga dhinteen ilaa 16,210 qof iyo dhaawacu inuu ka badnaa 30,000 halka ay ka bara-kaceen boqolaal kun. Maxkamadahu markaa waxay gacanta ku hayeen caasimadda iyo 8 gobol, se waxaa si hawl yar looga takhalusay, January 2007. Ilaa hadda uma suurta-gelin xukuumadda inay si buuxda dib ugu hanato gobolada intooda badan.

Somaaliland Iyo Bulshada Caalamka
Si kor ka xaadis ah waxaannu u soo tibaaxnay waxyeelada Somaaliya ku hayso dalkeeda, deriska iyo dunidaba iyadoo caalamku naf iyo maalba u huray sidii loo badbaadin lahaa loogana badbaadi lahaa. Sidoo kale, waxaa muuqata nabadda iyo xasiloonida Somaaliland iyo sida ay u baajisay naf iyo maal la mid ah tan aan soo xusnay. Keliya, waxaa dalkeennu marti u ahaa AQOONSI sii xoojiya nabdaynta iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed. Arrinkaa waxaa barbar taalla in laga sii digo waxyeelo ka iman karta haddii dalku dib ugu laabto duruufaha jaantaa rogan ee ka jira Somaaliya.

Xidhiidhka Somaaliland Iyo Ethiopia
Xidhiidhka iyo danaha labada dal ayaa aad u wanaagsan tan iyo markii Somaliland la soo noqotay madax-bannaanida. Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalgne, barlamaankiisa hortiisa, waxaa uu ka qiray, May 2013, iskaashiga labada dal ee dhinaca nabadgelyada. Mudane Hailemariam waxaa uu hoos ka xarriiqay Somaaliland inay tahay saaxiib dhow iyo garab weyn oo uu dalkiisu ku tashanayo. “Wax kasta, waxaannu u huraynaa difaaca Somaaliland, mar kastoo loo baahdo,” ayuu sheegay Ra’iisal Wasaarahu isaga oo ku ladhay,” haddii ay soo wajahdo khatar shisheeye, ciidamada Ethiopia waxaa ay diyaar u yahiin inay ka garab dagaalamaan ciidamada Somaaliland.”

Ra’iisal Wasaarahu waxaa uu muujiyay khatar kasta oo Somaaliland kaga iman karta dibedda inay halis ku tahay Ethiopia. Haddaba, miyaanay habboonayn inay Ethiopia garawsato in aanu dalku sii jiri karin haddii aanu helin AQOONSIGA uu xaqa u leeyahay? Labaatan sannadood ku filan duudsi iyo dulmi.

Marka laga soo tago sugidda nabad-gelyada soohdimaha aan la wadaagno Ethiopia, Somaliland waxaa ay tahay dalka ugu badan ee soo waarida wax-soo-saarka Ethiopia. Sida ku qeexan shaxda Ururka Ganacsi ee Caalamka (WTO), Ethiopia waxaa ay Somaaliland u soo dhoofisaa, sannad kasta, ganacsi gaadhaya US$520 malyuun. Sidoo kale, waxaa dalkeenna ka xoogsada ilaa 15,000 shaqaale ka soo jeeda Ethiopia kuwaas oo dalkooda dib ugu celiya lacag culays ku ah dhaqaalaheenna liitta.

AQOONSIGA dalku ma aha arrin ka dhashay dhalanteed ama ku yimid laab-la-kac. Run ahaantii, waxaa uu ku qotoma sharciyad iyo qadiyad ummadeed oo muddo dheer loo duudsinayay iyadoo loo arkay inuu sii ragaadin karo burburka Somaaliya. Aragti taas ka duwan waxa qaba khubaro u kuur gala waayaha Geeska kuwasoo aaminsan AQOONSIGU inuu kaalin mug leh ka qaadan lahaa nabadaynta Somaaliya. Si kastaba ha ahaatee, dalkeennu waxaa uu buuxiyay shuruudaha sharci ee looga baahnaa.

Garnaqsi:
Qaranka Somaliland waxaa uu ka soo bilaabmy 1884 markaas oo la abuuray Maxmiyadda Britain ee Somaaliland. Dagaalkii 2aad ee Adduunka, 1940-1941waxaa dalka gacanta ku dhigay Italy. Waxaa, mar kale, talada dib u mulkiyay Boqortooyada Britain ilaa uu dalka ka xorrobay 26kii June 1960. Toddobaad ma uu jirin dalku markii 1dii July 1960 uu si shuruuda la’aan ah u la midowday Koonfurta Somaaliya oo isla maalintaa ka xorowday Italy.

Maalmahii koobnaa ee dalku madaxa-bannaanaa waxaa laga diiwaan geliyay Jamciyadda Quruumaha ka Dhexaysay (UN), waxaana aqoonsaday 35 dal. Bishii June 1961 waxaa Somaaliland laga diiday afti lagu ansaxinayay midnimada. Isla markaana, 1961 xoogagga miletari ee ku sugnaa waqooyiga waxaa ay isku dayeen inqilaab fashilmay kasoo ay ku rabeen in ay kula soo noqdaan madax-bannaanidii. Saraakiishii hollisay inqilaanka, Maxkamadda Xamar waxaa ay ku weyday wax denbi ah iyadoo lagu sababeeyay in aanay midnimadu dhammays ahayn iyo in aanay maxkamaddu awood sharciyeed ku lahayn soohdinta Somaaliland.

Gooni-isu-taagga Somaaliland waxaa jideynaya Qoddobka 4aad, Xarafka B ee xeerka Midowga Afrika kaasoo dhigaya in la xurmeeyo laguna wada xaajoodo xuduudahii gumaystahu uga tegay Afrika. Xukuumadda Koonfur Afrika waxaa ay si baahsan u guda gashay qadiyadda Somaaliland. Waxaana ka soo baxay, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, bayaan sharci oo si buuxda u taageeray in Somaliland xaq u leedahay aqoonsi iyo inay ka mid noqoto Midowga Afrika (AU).

Sidaa darteed, 2002 waxaa dalku si rasmi uga codsaday Komishanka Midowga Afrika (AU) inay dib u eegaan arrinkooda. Ugu danbayntii, 2005 waxaa komishanku soo diray guddi farsamo iyo xaqiiqo raadin oo uu hoggaaminayay, Guddoomiye ku xigeenka (AU), Mudane Patrick Mazimhaka. Guddigu waxaa ay soo saareen warbixin sugan taasoo ay ku qireen inuu dalku mutaystay ictiraaf ka dib markii uu buuxiyay dhammaan shuruudahii looga baahnaa iyo weliba ay muujiyeen dhaqanka xukuumad sii waari karta.

Isla markaa, dalku waxaa uu fuliyay Mabaa’diida Montevido (The Montevideo criterion). Heshiiska Xuquuqda iyo Xil-qeexidda Dawlad ee lagu saxiixay Montevideo 1933 waxaa ay dawlad kasta shardi kaga dhigayaa inay yeelato 1.Tiro dad ah, 2.Soohdin sugan, 3.Xukuumad talisa iyo 4. Awood ay heshiis ku la geli karto dawlad kale. Shardiga ugu culus waxaa lagu asteeyaa in dalku leeyahay soohdin sugan. Xuduudaha Somaaliland oo bedkeedu dhan yahay 137,600 Sq Km waxaa lagu aqoonsaday heshiisyo ay ku wada galeen Britain iyo France (1888), Italy (1894) iyo Ethiopia (1897).

Ma muuqato sabab dalkeennu uga hadho dalalka ku soo biiray dunida tan iyo intii uu soo afjarmay Dagaalkii Qaboobaa. Dalal badan ayaa si nabad ah uga dhashay burburkii Midowga Soofiyati. Sidoo kale Yugoslavia, inkastoo uu ku daatay dhiig badan, waxaa ka soo biqlay dalalka Slovenia, Croatia, Bosnia Herzegovina iyo Macedonia. Qaaradda Aasiya iyana waxaa ku soo biiray East Timor. Afrika, kama qadin taranka dalalka oo waxaa laga xalaaleeyay Eriteria, Koonfurta Suudaan iyo Saxaaraha Galbeed.

Dhan kastoo la iska taago, qadiyadda Somaaliland waxaa ay mudan tahay garawshiiyo. Haddaba, waxaa waajib ah in xukuumaadda Somaaliland si qotto dheer u la xajooto dhiggeeda Addis Ababa si Ethiopia horseed uga noqoto AQOONSIGA iyadoo la og yahay saamaynta ay ku leedahay dalalka ku teedsan Webiga Niil-ka oo ah kuwa ay maganta u tahay xukuumadda Xamar. Isla dalalkaa ayaa danaynaya siyaasadda Somaaliland.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com