Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Home » Archives by category » War (Page 761)

“waxaan Ku Baaqaynaa Laga Wada Shaqeeyo Arrimaha Dalka”

Hargeysa(maantasomaliland) La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha caalamiga ah iyo aqoonsi raadiska Md. Maxamed Rashiid Sh. Xasan, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta wuxuu ummadda reer Somaliland u soo jeediyay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka iyo sidii qarankani uu aqoonsi uga heli lahaa beesha caalamka. Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:- “Illaa maalintii Somaliland ay […]

madaxwayne kuxigeenka soomaalilaand oomaanta si rasmi ah xadhiga uga jaray xabsiga dhexe eemagaalada hargaysa‏

Hargeysa (maantasomaliland) Feb.16, 2011 – Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah xadhiga looga jaray, iyada oo xaflad ballaadhan loo sameeyay furitaankiisa. Xaflada xadhiga lagaga jarayay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wasiiro ka tirsan xukuumada, xildhibaano ka tirsan labada gole, […]

Dawladda Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday inay diyaarinayso qorshe ku saabsan sidii caalamku ugu aqoonsan lahaa in Somaliland noqoto tusaalaha koowaad ee loo adeegsan karo xallinta mushkiladda 20-ka sannadood ka taagan dalka Soomaaliya.‏

London, Feb, 16, 2011- (maantasomaliland)- Dawladda Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday inay diyaarinayso qorshe ku saabsan sidii caalamku ugu aqoonsan lahaa in Somaliland noqoto tusaalaha koowaad ee loo adeegsan karo xallinta mushkiladda 20-ka sannadood ka taagan dalka Soomaaliya. “Waxaan rabnaa in Somaliland loo arko tusaale wanaagsan, waxaanan doonaynaa inay tusaale u noqoto Soomaaliya […]

War-Saxaafadeed: Madaxweyne Axmed (Siilaanyo) Oo Galabta Xarubta Madaxtooyada Ku Qaabilay Guddi Ka Socotay Qaadhaan Bixiyeyaasha Somaliland Ka Caawiya Diimuqraadiya Iyo Doorashooyinka.

Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu galabta kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ay Hogaaminayso Ms. Valentina Auricchio oo ka socda Gudida Qaadhaan Bixiyaaasha ee Somaliland ka Caawiya Hanaanka Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka. Ugu Horayn Xubanha Weftigu waxay Madaxweynaha uga Warameen u jeedada socdaalkooda oo ay Sheegeen inay tahay Xogogaal u noqoshada Hawlaha Doorashooyinka […]

Roobabkii ugu horreeyay ee ka curta Somaliland, ayaa ka da’ay magaalada Caasho-caddo ee Degmada Saylac oo ka tirsan Gobolka Salal.‏

Sida uu shebakadda maantasomaliland u xaqiijiyay Isu-duwaha Wasaaradda War-faafinta iyo Wacyigelinta ee Gobolka Salal Mr. Maxamed Cawaale waxa uu sheegay inay roobab xoog leh ka curteen gobolka Salal, gaar ahaan magaalada Caasho-caddo iyo deegaannada ku teedsan ee dhinaca xeebta xiga. Ma jiraan wax khasaare ah oo laga soo sheegay roobabka ka curtay Gobolka Salal, haseyeeshee […]

wasiirka wasaarada Duulista Hawada Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Dhawaan Ay Dalka Iman Doonto Shirkad Dib U Dhis KU Samayn Doonta Madaarada Hargeysa Iyo Berbera.

Hargeysa (maantasomalilans) Feb. 15, 2011- Wasiirka wasaarada duulista hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa maanta daboolka ka qaaday in dhawaan ay dalka iman doonto shirkad dib u dhis ku samayn doonta madaarada Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyada oo hawshaas ay ku bixi doonto lacag dhan 10 milyan oo Dollar. Wasiirka oo maanta shir-jaraa’id ku […]

war saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada galabta‏

Hargysa-maantasomalilan)Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu Galabta kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ay Hogaaminayso       Ms. Valentina Auricchio oo ka socda Gudida Qaadhaan Bixiyaaasha ee Somaliland ka Caawiya Hanaanka Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka. Ugu Horayn Xubanha Weftigu waxay Madaxweynaha uga Warameen u jeedada socdaalkooda oo ay Sheegeen inay tahay Xogogaal u noqoshada Hawlaha […]

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Geeriyoodey‏

Hargeysa, Feb, 15, 2011- (maantasomaliland)- Alle ha u naxariistee waxa xallay ku geeriyoodey magaalada Hargeysa Marxuum  Axmed Cabdi Siciid, oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland. Marxuum Axmed Cabdi Siciid oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee laga soo doortay gobolka Awdal kana soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee UCID, waxa uu xallay […]

Shirkii Arrimaha Soomaaliya Lagaga Hadlayey oo la Sheegay Inuu Kor u Qaaday Meeqaamka Somaliland ku Leedahay Dunida

London-(maantasomaliland)- Shirkii arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayey ee toddobaadkan lagu qabtay dalka Ingiriiska, ayaa la sheegay inuu sare u qaaday meeqaamka siyaasadeed ee Somaliland ku leedahay beesha caalamka, maadaama tahay markii ugu horreysay ee Somaliland si toos ah loogu casuumo shir heer caalami ah oo ay ka hor caddaysay nabadda iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee ku tallaabsatay. […]

Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Loo Qaybiyay Xeerka Hay’ada Abaabulka Qaranka.

Hargeys (maantasomaliland) Feb. 14, 2011- Mudanyaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta loo qaybiyay xeerka hay’ada abaabul ka saarka iyo jihaynta qaranka ee NDC, oo ay hore u ansixiyeen golaha wakiiladu loona soo gudbiyeen golaha guurtida. Fadhigan oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaas Md Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa loogu qaybiyay xildhibaanada si ay u soo naaqishaan […]

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Maanta soo hor dhigay Golaha Wakiilada Odoroska Miisaaniyada Qaranka Ee Sannadka 2011

Hargeysa (maantasomaliland)Feb. 14, 2011- Wasiirka maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa maanta u soo bandhigay ku talagalka odoroska miisaaniyada qaranka ee sannadka 2011, taas oo ka badan miisaaniyadii sannadkii hore la ansixiyay. Wasiirka oo maanta hortagay golaha wakiilada Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyay habka kharashaadka miisaaniyada dawlada, isaga oo ballanqaaday in ay kharashgaraynta ay […]

Marxuum Mujaahid Ibraahim Maygaag Samatar Oo Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargaysa Iyo Madaxwaynaha Oo Ka Qayb Galay

Hargeysa (maantasomaliland)- Alle ha u naxariiste waxa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Hargeysa marxuum Ibraahim Maygaag Samatar oo ka mid ahaa halgamayaashii xoriyada Somaliland, iyada oo aaskiisa ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shir-gudoonka golayaasha qaranka, madaxda axsaabta qaranka, xildhbaano ka tirsan labada gole masuuliyiinta xukumada, hogaamiye dhaqameedyo iyo […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com