Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Home » Archives by category » War (Page 763)

Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid Ahaa Maleeshiyadii Soo Weerartay Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Kooxo Ka Tirsan Al-Shabaab, ONLF & Ciidamada Puntland Oo Ka Qayb Galay Dagaalka

Hargeysa, February 8, 2011 – Waxa magaalada Buhoodla Xalay Fiidkii lagu Aasay 16 qof oo ka mid ahaa Maleeshiyadii soo weesrartay Ciidamada Qaranka Somaliland shalay subax, iyadoo la sheegay inay ka soo qaybgaleen weerarkaasi kooxo ka tirsan Al-shabaab, ONLF iyo Ciidamo ka tirsan Puntland. Dagaalkan oo ku bilaabmay weerar gaadmo ah oo Maleeshiyada Buhoodle ay […]

Golaha Baarlamaanka Somaliland Oo Maanta Cod Aqlabiyada Ku Ansixiyey Xeerka Hay’ada Abaabul Ka Saarka iyo Jihaynta Qaranka Ee NDC.

Haragey(maantasomaliland)Feb. 08, 2011- Fadhigii maanta ee mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa lagu ansixiyey xeerka hay’ada abaabul ka saarka ee NDC, kaasoo lagu dhaqi doono hay’adan. Fadhigan maanta oo uu shir-guddoominayey ku simaha guddoomiyaha golahaas ahna guddoomiye ku xigeenka kowaad Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, isla markaana ay madasha ka soo xaadireen 43 xildhibaan waxaana si rasmi […]

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland mr.xaabsade oo kasoo jeeda beelaha buuhoodle iyo laascaanood Oo Ku Eedeeyay Kooxda SSC-Da Masuuliyada Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Kalshaale, Digniin Culus U Diray Kooxdaas.kuna tilmaamay,koox nabad-diid ah!

Hargeysa (maantasomaliland) Feb. 08, 2011- Wasiirka warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta, ku eedeeyay kooxda SSC-da in ay masuul ka ahaayeen dagaalkii ku dhexmaray deegaanada Kalshaale iyo Hagoogane ciidanka qaranka Somaliland iyo maleeshiyada jabhada SSC-da, kaas oo sababay khasaare ballaadhan oo dhimasho iyo dhawaac keenay. Md Xaabsade waxa uu sheegay in […]

Cisbitaalka Guud ee Burco oo xalay la keenay Dhaawicii Dagaalka Kalshaale oo dhan 31 qof

Cisbitaalka Guud ee magaaladda burco ayaa xalay la keenay kow iyo sodon qof oo dhaawac ah ku dhaawacantay Dagaalkii Kalshaale ee shalay dhacay. Dadkan dhaawac ah ayaa waxa isgu jira kuwa dhaawacoodu culusyahay iyo kuwo uu fuduud yahay, kuwaaso dhakhaatirta Cisbitaalku ku hawlan yihiin Daawayntooda. Sidoo kale waxay wararku sheegayaan in la soo wado Tiro […]

Wasiirka gaashaandhigga somaliland oo kawaramay xaalladda dagaal ee buuhoodle maanta gelinkii hore.‏

Buuhoodle, Feb, 07, 2011-(maantasomaliland)- Dagaalkii ugu xummaa ee muddooyinkan danbe ka dhaca gobolka Buuhoodle oo sababay khasaaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, ayaa dhexmaray ciidammada qaranka Somaliland ee ku sugan Deegaanka Kalshaale iyo kooxda nabad-diidka SSC. Wararka aanu ka helay jiida hore ee dagaalku waxay sheegayaan in saaka waaberigii kooxda SSC ay dagaal gaadmo ah […]

Unugga Wadaniyadda Somaliland Oo Magaalada Hargeysa Ku qabtay Kulan Loogu Magac daray “Habeenka Wadaniyadda iyo Horumarka Somaliland”.

Hargaysa(maantasomaliland):-Kulankan Wadaniyadeed waxa ka soo qayb-galay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland, Baarlamaanka,Culimo-awdiinka Unugga Wadaniyadda Somaliland (Somaliland Nationalism Cell) waxa uu habeenkii xalay ahaa ku qabtay Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa Kulan Aad u baladhan Oo si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkana lagu lafo-guray Muhiimada ay wadaniyaddu u leedahay Horumarka Bulshada iyo Qaranimada JSL. […]

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Ka Hadlay Khasaaraha Dagaalka Saaka Ka Dhacay Kalshaalle‏

Hargeysa (maantasomaliland)-Kalshaale:- Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan jiida deegaanka Kalshaalle ee u dhaxeeya Qorilugud iyo Buuhoodle, ayaa saaka dhirbaaxo kulul ku dhuftay maleeshiyada kooxda SSC oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday abbaaro 6:00 subaxnimo fadhiisimada Ciidamada qaranka ee jiida Kalshaalle, waxaana halkaasi ku dhintay 8 qof oo ka tirsan labada dhinac. Maleeshiyada weerarka […]

Madaxweynaha Somaliland oo maanta khudbad ujeediyey labada gole ee guurtida iyo baarlamaanka,kagana hadlay arimaha dagaalka maanta kaqarxay bariga somaliland‏

Madaxweynaha Oo Khudbad u Jeediyay Labada Gole Hargeysa(maantasomaliland)- Madaxweyanaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa saaka khudbad u jeediyey labada Gole Baarlaman [Guurtida Iyo Wakiillada] Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu ka hadlay qorshayaasha xukuumaddiisa ee sannadka 2011-ka, waxaanu yidhi “May jirin qorshe dowladeed oo habaysani, waxay xukuumaddu ku guda jirtaa diyaarinta qorshaha waxqabad ee […]

Waheen oo ku dhex Rafaanaysa Somaliland

Hargiesa (Maant-Somaliland) Waheen oo ku dhex Rafaanaysa Somaliland, Tolow Yaa Ugargaara: Malaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa Iskaga Qaldamay Somaliland warbahiinteedu waxa aay qab laxaad leh ka qadatay dhamaan hawlahii nabadayta ilaayo doorshooyiinkii dalka ka dhacay, hadaba sida aan la wada socono waxaa ka jira Somaliland warbahiin tayadeedu uu aad u sareeyo. Sikastaba ha ahaate warbahiinta […]

Guddida La dagaalanka musuq maasuqa oo maanta lagu dhawaaqay iyo khudbadii Madaxwayne Siilaanyo.

hantida oo qudha kuma lunto waxaa ku luma macnawiyada uu dalku leeyahay,waxaa ku..Madaxwayne Siilaanyo…… Hargaysa(Maanta Somaliland):-Guddida la dagaalanka musuq maasuqa iyo maamul wanaaga qaranka ayaa maanta laga dhawaaqay magaalada Hargaysa,Guddidan oo ah Guddi Qaran oo madax banaan ayaa u taagan sidii loogu guulaysan lahaa nidaamka maamul wanaaga oo loo dhanyahay kuna dhisan cadaalad,wada tashi iyo […]

Ganacsata wax kala soo degta dekeda berbera oo gaashaanka ku dhufatay cashuur cusub oo dowladu ku soo rogtay

Qaar ka mid ah ganacsatada wax kala soo dega marsada magaalada Berbera, ayaa u qaadanwaa iyo looma fadhi ku tilmaamay wareegto ka soo baxday Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo boqolkiiba sodon (%30) lagu kordhiyay guud ahaanba cashuuraha. Guddoomiyaha Gudida Ganacsatada Magaalada Berbera Axmed Maxamed Geelle (Tima-cadde) oo khadka telefoonka ugu warramay shebekadda Berberanews oo wax ka […]

Xukuumada Iyo Baanka Dhexe Oo la daala dhacaysa Hoos U Dhaca Dollarka Iyo Sicirka Maceeshada Oo Cirka Isku Shareeray.

Hargaysa (maantasomaliland) Feb.05, 2011 – Waxa maalmahan hoos u sii dhacay Sarifka Lacagaha Qalaad gaar ahaan Dollarka oo aad looga isticmaalo Somaliland, Qiimaha Meceeshaduna ku salaysan tahay, waxaanu xalay gaadhay halkii ugu hoosaysay maalmahan iyadoo halka Dollar lagu sarifayay Shan kun iyo Laba Boqol oo shilinka Somaliland ah. Hoos u dhaca qiimaha Dollarka waxa barbar […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com